Afhayeenka milatariga Xuutiyiinta Yemen, Yaxye Sariic, ayaa sheegay inay weerareen goobo muhiim ah oo ku yaalla Sacuudiga, sida ay wax yar ka hor baahisay Al Jazeera.
Goobaha uu sheegay inay beegsadeen waxaa ka mid ah Garoonka Diyaaradaha Boqor Khaalid ee Riyadh, xarunta shirkadda shidaalka Aramco ee Yanbu, warshadda sifaynta shidaalka ee Rabigh iyo dhuunta shidaalka ee isku xirta bariga iyo galbeedka Sacuudiga. Yanbu iyo Rabigh waxay ku yaallaan galbeedka dalka, xeebta Badda Cas.
Wuxuu sidoo kale sheegay inay weerareen Garoonka Diyaaradaha Boqor Fahad ee Dammam, oo ku yaalla bariga Sacuudiga, Garoonka Diyaaradaha Najran, oo ku dhow xadka Yemen iyo saldhigga milatari ee Khamis Mushait, oo ku yaalla koonfur-galbeedka Sacuudiga.
