Tiro Diyaaradaha Maraykanka ee hawada Shidaalka ku siiya Diyaaradaha kale oo heegan ku ah Saldhiga Ramon Airport ee Israel
Tiro Diyaaradaha Booyadlaha ee Ciiddanka Cirka ee Maraykanka ee (Stratotanker aerial refueling aircraft) ayaa la safay Garoonka Ramon Airport ee Koonfurta Israel, iyadoo sawiro Diyaaradahaasi laga soo qaaday lagu baahiyey qaar ka mid ah Warbaahinta Israel iyo kuwa Caalamka maanta oo Sabti ah.
Idaacadda KAN ee Israel ayaa soo werisay in Dhaqdhaqaaqyada Diyaaradaha Milliteriga Maraykanka ay qeyb ka yihiin Xiisadaha Gobalka, xilli ay suurtogal tahay inay Maraykanka iyo Israel weeraraan Jamhuuriyada Islaamka ee Iiraan.
Warbaahinta KAN waxay kaloo sheegtay in Diyaaradahaasi bilaabeen inay soo gaaraan Saldhigyada Ciiddanka Cirka ee ku yaalla Koonfurta israel, gaar ahaan Saldhigyada Ovda iyo Nevatim.
Warbaahinada kale ee Luqada Hebrew lagu daabavo ayaa iyagana waxay ka warbixiyeen Joogitaanka socda ee Diyaaradaha Booyadlaha Maraykanka ee ku sugan Garoonka Ramon, iyadoo qiyaastii 25 Diyaaradaha noocaasi ah ay ka hawl-galayaan Xaruntaasi.
Hay’adda Maamulka Garoomada Israel ayaa go’aamisay in la mamnuucay Hawlgallada Habeenkii ee Garoonkaasi, laga bilaabo maanta oo ah Kowda November.
Warbaahin ay ka mid tahay Channel 14 waxay ku sifeeyeen Imaanshaha Diyaaradaha Xamuulka iyo kuwa Shidaalka siiya Diyaaradaha kale in looga dan leeyahay Xiriirinta u dhexeysa Ciiddanka Maraykanka iyo kuwa Israel.
Dhanka kale, Warbaahinta Maraykanka ayaa soo tebiyey inuu Madaxweyne Trump miisaamayo Hawlgal waqti kooban oo Iiraan lagu qaado, kadib, Doorashooyinka Xilliga Dhexe ee Kongareeska Maraykanka ee la qaban doono bishan November 3-da



