Waxa aan si weyn u bogaadinayaa guulaha is daba joogga ah ee dadkeena Soomaalidu ka soo hoynayaan goleyaasha sharci-dejinta dunida oo ay u dambeysay guusha Ilhan Cumar oo kamid noqotay Congress-ka dalka Maraykanka.
Sidoo kale waxa aan hambalyo u dirayaa Cumar Fateh, Zeynab Maxamed iyo Cabdi Daisane oo kasoo baxay gobolka Minnesota.
Xubnaha kale ee kasoo baxay gobolada Ohio iyo Oregon waxa aan leeyahay iyagana hambalyo guulo kale ayaan idiin rajeynayaa dhamaantiin.
Guusha xisbiga dimuqraadigu ka gaadhay doorashadan waxa ay qaawisay siyaasaddii cunsuriyadda ahayd ee Taraam.
Doorashadan xilli dhexaadka ee Maraykanka waxa aynu ka baranaynaa awoodda goleyaasha sharci-dejinta iyo saamaynta ay ku leeyihiin dimuqraadiyadda.
Hoggaamiyaha ka leexda jidka wada tashiga, iska indho tiro baahiyada bulshada ee baal mara fulinta ballamaha uu umadda u qaaday waxa hubaal ah in uu ku dambayn doono meel cidlo ah.
