Heemaal News Network

Iran Oo si Cad Ugu Sheegtay Madaxda Maxkamada M/Yurub Inay Weerareyso Israa’iil.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Hungary,Péter Szijjártó ayaa noqday diblomaasigii u sarreeyay ee xaqiijiyay in Sii-hayaha Wasiirka Arrimaha dibadda Iran , Ali Bagheri Kani uu soo wacay, si cad oo aan leexleexad lahaynna ugu sheegay in Iran ay go’aansatay inay weerarto Israa’iil,sababtoo ah Hungary ayaa hadda haysa madaxtimada wareegta ee Midowga Yurub , waxayna doonaysa Iran weerarkeeda inay u heysato sharciyad.

Sii-hayaha Wasiirka Arrimaha dibadda Iran , Ali Bagheri Kani ayaa sidoo kale maanta xarunta Wasaaradda Arrimaha dibadda Iran ugu yeeray koox safiiro reer galbeed ah oo uu u sheegay farriin isku mid ah oo dhammaan uu ugu xaqiijinayo inay Iran ku qasbantahay weerar ay qaado, sababtoo ah Israa’iil ayaa khadka cas ka soo gudubtay.