Wednesday, November 11, 2026

Getachew Reda Oo ku Eedeeyay Eritrea iyo Sudan inay Weerarro loo Adeegsaday Diyaaradaha Drones ka fuliyeen Itoobiya.

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Getachew Reda ayaa ku eedeeyay dalalka Eritrea iyo Suudaan inay weerarro loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones) ka fuliyeen gudaha Itoobiya.

Getachew Reda oo ah La-taliyaha Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika, ayaa sidoo kale ku eedeeyay Eritrea iyo Suudaan inay taageeraan kooxaha mucaaradka ah ee ka dagaallama Itoobiya.

Wuxuu sheegay in Eritrea iyo Suudaan ay weerarro dhowr ah oo loo adeegsaday diyaaradaha Drones-ka ka geysteen gudaha dalka Itoobiya.