Sida ay sida shaacisay wabraahinta Business Insider Africa, waxa qaaradda Afrika ku soo wajahan Markab dagaal oo ay leedahay dawladda Ruushku kaas oo ah nooca bixiya tababarada ciidanka badda.
Markabkan ayaa loogu tala galay in uu tababarrada ka taageero ciidamada badaha ee qaar ka mid ah waddamada bariga iyo Galbeedka Afrika isaga oo sida xogtu tilmaamayso tegi doona meelo ay ka mid yihiin Seychelles, Tanzania, Mozambique, Namibia, Republic of Congo, Cameroon, Nigeria, iyo Benin.
Ruushka ayaa sannadihii la soo dhaafay sii xoojiyey xidhiidhka mileteri ee uu la wadaago qaaradda Afrika isaga oo kula loollamaya waddamada reer Galbeedka gaar ahaanna dalka Faransiiska oo muddo dheer ahaa dal ku xooggan galaan galka qaaradda Afrika.
