Monday, November 23, 2026

Itoobiya oo ku Dhawaaqday inay Xoojinayso Xidhiidhka Imaaraadka Xilli uu sii Xumaanayo xidhiidhka Somaliya

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed Cali, ayaa sheegay in dalkiisu doonayo inuu sii xoojiyo xidhiidhka uu la leeyahay Imaaraadka Carabta, xilli uu meel adag marayo khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Abiy Axmed ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa X ku sheegay inuu kulan la yeeshay Sheekh Shakhboot bin Nahyan Al Nahyan, Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta, kaas oo ay kaga wada hadleen xoojinta xidhiidhka labada dal iyo sidii loo ballaadhin lahaa iskaashigooda.

Kulankan ayaa ka dhacay magaalada Addis Ababa, isaga oo ku beegmay shirweynaha shanaad ee CPHIA 2026, oo ah shirweyne caalami ah oo lagaga hadlayo caafimaadka bulshada Afrika. Sida ay baahisay warbaahinta dowladda Itoobiya ee ENA, labada dhinac ayaa sii adkeeynaya xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Addis Ababa iyo Abu Dhabi, waxaanay isla eegeen fursadaha lagu ballaadhin karo iskaashiga labada waddan.

Kulanka Abiy Axmed iyo masuulka Imaaraadka ayaa imanaya xilli xidhiidhka Soomaaliya iyo Imaaraadku galay marxalad diblomaasiyadeed oo aad u adag, kaddib markii dowladda Soomaaliya 19-kii bishan amartay in safiirka Imaaraadku dalka kaga baxo muddo 72 saacadood gudahood ah, isla markaana ay dib ugu yeedhatay safiirkeedii Abu Dhabi.

Khilaafka labada dal ayaa sii xoogaystay kaddib markii Soomaaliya bishii Janaayo ee sannadkan burisay heshiisyadii ay la lahayd Imaaraadka ee dhinacyada amniga, difaaca iyo dhaqaalaha. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale Imaaraadka ku eedeeyey inuu farogelin ku hayo arrimaha gudaha Soomaaliya, isla markaana xidhiidh iyo heshiisyo toos ah la samaysto Somaliland, Puntland iyo Jubaland. Eedeymahaas ayuu Imaaraadku si adag uga horyimid.

Xoojinta xidhiidhka Itoobiya iyo Imaaraadka ayaa muujinaysa sida Abu Dhabi u sii waddo iskaashiga ay la leedahay dalalka muhiimka ah ee Geeska Afrika, iyadoo xiisadda kala dhexaysa Muqdisho ay saamayn ku yeelanayso xidhiidhkeeda diblomaasiyadeed ee gobolka.