Xaadow ayaa kula dardaarmay xubnaha guddiyada inay ka soo dhalaalaan waajibaadka shaqo ee kala duwan ee loo igmaday.
Xubnaha labada guddi ayaa kulankooda si wadajir ah ugu doortay Avv. Xirsi Xaaji Culusow, Guddoomiyaha Guddiga, Mudane Mustafa Aadam Dagaal, Guddoomiye kuxigeenka Guddiga.
Waxaa kadib loo codeeyay doorashada Iskuduwayaasha iyo kuxigeennadooda ee hoggaamin doona lix guddi hoosaad oo ka faracmay labada guddi.
Waxaa la filayaa in xubnaha guddiyadan ay soo saari doonaan markii ugu horraysay wax ka beddel ballaaran hannaanka shaqo, shaqaale, xeerar, hindisayaal iyo sharciyo , kadibna ay la wadaagi doonaan Wasiirka Wasaaradda si loo horgeeyo Golaha Wasiirada si ay u ansixiyaan, loona meel-mariyo, si Wasaaraddu u hiigsato hannaan sarreeya oo ay kaga sare marto dhiggeeda dalal badan.