Saddex qof ayaa ku dhintay, halka lix qof oo kala-na ay dhaawacmeen, ka dib markii caawa magaalada Saylac ay gudaha u soo galeen Jabhad Ciise oo ka soo talawday, dhinaca xadka, sida ay xaqiijiyeem goob joogayaal ku sugan Saylac.
Kooxdan ayaa rasaas ku furay dad ku sugnaa maqaayad iyo dad kale oo adeeganayay suuqa magaalada taasoo sababtay dhimashada sadaxda qof iyo dhaawaca lix qof oo qaar kood ay yihiin dhaawac halis ah.
Sidoo kale dadka lagu dilay caawa magaalada Saylac ayaa la sheegay in laba ka mid ah ay ahaayeen wiil iyo gabadh walaalo ah, kuwaasoo lagu kala magacaabay AHUN Mmaryan Cali iyo Walalkeed Cabdi Cali, waxayna ka soo Jeedeen beelaha Gadbauursi gaar ahaan beesha Aadan Faroole halka qofka sadaxaad-na uu kasoo jeedo Beesha Xasan Sacad.
Ciidamadii Amaanka Somaliland ee ku sugan magaalada Saylac ayaa sheegay inay xooga saareen ilaalinta Badhasaabka iyo Talyaha Qaybta gobolka Salal iyo masuuliyiin kale oo ku sugnaa magaalada Saylac halka ay ka difaaci lahaayeen dadka shacabka ah.
