Thursday, November 26, 2026

Dowlada Eritrea Oo Qaramada Midoobay ku Wargalisay In Itoobiya Qorshaynayso Dagaal ka Dhan ah

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Dowladda Eritrea ayaa u sheegtay wakiillada Qaramada Midoobay ee Asmara ku sugan in Itoobiya ay qorshaynayso inay dagaal weyn ku soo qaaddo Eritrea.

Wasiirka Warfaafinta Eritrea ayaa kulankaas ka sheegay in Itoobiya ay bilowday qorshaha dagaal ee ka dhanka ah Eritrea.

Wuxuu sheegay in Itoobiya doonayso inay qabsato dekedda Assab iyo xeebaha koonfureed ee Eritrea, isagoo beesha caalamka ugu baaqay inay cadaadis saarto Itoobiya si looga hortago dagaal cusub.

Wuxuu sidoo kale Itoobiya ku eedeeyay inay khatar ku tahay xasilloonida gobolka, isla markaana ay taageerto kooxaha mucaaradka ee Suudaan.