Sunday, April 5, 2026

Taliyaha Ciidanka Milatariga Somaliland Oo Go’aano kasoo Saaray Joojinta Dagaalka Gobolada Awdal Iyo Salal

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ciiddamada Mileteriga Somaliland ee ku sugan deegaannada Awdal iyo Selel ayaa halkaas ka wada dedaallo lagu xoojinayo nabadda iyo gacan siinta dadka nabadda ku hawlan iyo weliba in la xakameeyo colaadihii sokeeye ee deegaannadan ka dhacay.

Taliyaha ciidamada qaranka Somaliland Sarreeye Guuto Nimcaan Gaaxnuug oo deegaannadan ku sugan ayaa ciidanka amar ku siiyey in ay si dhab ah uga shaqeeyaan in deegaamadan aanu ka dhicin dagaal dambe oo beeleed.

Tallaabooyinka ilaa hadda ciidanku qaadeen ee wax kaga qabteen xiisadda taagan waxa ka mid ah.

1: In ay joojiyeen gurmad kasta oo u kala socon kara deegaannada colaaddu ka taagan tahay.

2: In ay ciidanku ka hawl galeen goobihii shaqaaqadu ka dhacday.

3: In ay si toos ah xidhiidh ula yeesheen cuqaasha iyo madax-dhaqameedka deegaannadaas taas oo keentay in nabaddu ka soo dhawaato sidii hore.

4: In la yareeyo isku dhaca iyo iska hor imaadka beelaha dhex mari kara.

5: Deegaannada oo laga mamnuucay in hub lagu dhex qaato ama lagu dhex isticmaalo.

Tallaabooyinkan ayaa sabab u noqday in beeluhu hadda ku baaqaan nabadd, kalsoonina siiyaan dedaallada nabadda lagu xoojinayo