Dalalka Iran iyo Faransiiska ayaa si adag uga hadlay duqaymaha aan kala joogsiga lahyan ee Israi|l ka wado dalka Lubanaan waxayna soo jeediyeen in si dhaqsi leh Israi|l ay u joojiso.
Madaxwaynaha dalka Faransiiska Emanuel Macron ayaa sheegay in heshiiska xabad joojinta u dhaxeeya dalalka Mareekanka iyo Iran ay tahay in lagu daro in Israi|l ay duqaymaha ka joojiso Lubanaan.
Iran ayaa dhankeeda sheegtay inay ka baxayso heshiiska hadii Israi|l aysan joojinin gulufka ay ka wado guud ahaan dalka lubnaan.
Madaxwaynaha dalka Mareekanka Donald Trump oo goor dhow qoraal soo dhigay bogiisa ayaa yiri ” Iran way ogtahay in heshiiska aysan ku jirin arin quseysa dalka Lubanaan.
Xaalada ayaa cakiran, xili maanta kaliya Israi|l ay fulisay duqaymo kor u dhaafayo ilaa iyo 100 bartilmaameed.
Isbitaalada ayaa ciir ciiraya la tacaalida dhaawacyada iyo meedadka awgii. Waxaa gabi ahaan indho un kasoo haray dalalkii Carab iyo guud ahaan dunida Islaamka ee ku aadan xaalada Lubanaan.
Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Spain Pedro Sánchez ayaa sheegay in dowladdiisu ayna taageeri doonin cidda hurisay colaadaha caalamka, xitaa haddii ay hadda isku dayaan inay damiyaan.
Wuxuu xusay in xabbad-joojin ay tahay arrin wanaagsan, gaar ahaan haddii ay horseeddo nabad waarta, balse ayna la micno ahayn in la iska indha tiro khasaaraha iyo dhibaatada ka dhalatay dagaalka.
Sánchez ayaa ugu baaqay in diiradda la saaro diblomaasiyadda, sharciga caalamiga ah iyo nabadda si loo helo xal waara.

