Trump ayaa shaaca ka qaaday in uu xannibaad ku soo rogay marin-ganacsiyeedka Hormuz ee Iiraan maamusho, wuxuu sheegey in uu ciidanka badda Mareykanka faray; in ay qabtaan markabkii cashuur siiya Iiraan.
Qoraal dheer oo cusub oo uu ku daabacay Truth Social, wuxuu ku sheegay in “kulanku si wanaagsan u dhacay, inta badan qodobbadii waa lagu heshiiyey, laakiin qodobka kaliya ee runtii muhiimka ahaa, NUKLIYEERKA, lagama gaarin heshiis.”
Wuxuu sheegay in “mar uun” la gaari doono heshiis ku saabsan marin xor ah, balse “Iran ma oggolaan inay taasi dhacdo iyagoo kaliya leh, ‘Waxaa laga yaabaa in meesha ay miino ku jirto,’ taas oo aan cidna ogeyn iyaga mooyee.”
Qoraalkaas dhexdiisa, Trump wuxuu sidoo kale ku sheegay inuu “amray ciidamadeenna badda inay raadiyaan oo qabtaan markab kasta oo ku sugan biyaha caalamiga ah oo lacag marin ah siiyay Iran,” isla markaana ciidamada badda Maraykanku ay bilaabi doonaan “burburinta miinooyinka ay Iiraaniyiintu ku rideen marinnada.”
“Qof kasta oo bixiya lacag marin sharci-darro ah ma heli doono marin ammaan ah badaha caalamiga ah,” ayuu yiri, isagoo ku daray, “Iiraani kasta oo nagu soo rida rasaas, ama ku rida maraakiib nabdoon, waa la BAABI’IN doonaa!”
“Xannibaaddu dhowaan ayay bilaaban doontaa,” ayuu yiri.

