Wednesday, April 15, 2026

Ciidanka ilaalada kacaanka Iiraan Oo Xanibaad kusoo Rogay Degakadaha Khaliijka Ee Shidaalka

by Heemaaln
1 minutes read

Iiraan oo ku goodisay inay xiri doonto Marinka Baal Al Mandab haddii ay sii socoto go’doominta Mareykanku saaran dekadeeda, inkastoo ugu yaraan 3 markab maanta ka gudbeen Marinka Hormuz

Ciidanka ilaalada kacaanka Iiraan ayaa waxyar ka hor baahiyay in markab shidaal oo ay Iiraan leedahay oo qaadi kara 2 milyan oo fuusto oo shidaal ah inuu maanta ka gudbay marin-biyoodka Hormuz oo uu gaaray dekedaha Iiraan, kaasoo la sheegay inuu u shidnaa nidaamka raadraaca , xilli Mareykanka uu maalin ka hor sheegay in la xannibay maraakiibta Iiraan ee ka gudbaya Hormuz, wallow aysan shaqeyn xannibaadaa

Sidoo kale Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa sheegay inaysan ogolaan doonin in dekadaha khaliijka ay wax ka dhoofaan ama kasoo degaan waxayna yiraahdeen: “Ma ogolaan doonno in wax ka soo degaan ama ka dhoofaan dekedaha dalalka Khaliijka Carabta, haddii ay sii socoto xiyaaradda Mareykanka ee dekedeheenna.. xataa waxaan joojin doonnaa Badda-cas & Gacan Cadmeed.” — ArabNews.

Iiraan oo ku goodisay inay xiri doonto Marinka Baal Al Mandab haddii ay sii socoto go’doominta Mareykanku saaran dekadeeda, inkastoo ugu yaraan 3 markab maanta ka gudbeen Marinka Hormuz

Mareykanka oo ciidamo dheeraad ah ku soo daabulaya Bariga Dhexe isagoo dhinacna ka wada arinta diblumaasiyad ah.

Mareykanka oo isna duqeymo xagga cirka ah oo ay ku dhinteen 4 qof ka geystay Badda Pasifiga

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.