Wednesday, April 22, 2026

Trump Oo Sheegay In Codsigiisii ay Iran ku Joojisay Daldalaada 8 Haweenka ah

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Trump ayaa waxyar kahor ku dhawaaqay in Iiraan ay joojisey qorshe ay ku doonaysay iney caawa ku daldasho 8-dan haweenka ah, wuxuu intaasi raaciyay in afar kamid ah haweenkan lasii daynayo, afarta kalena lagu xukumay hal bil oo xabsi ah.

Haweenkan oo dhamaantood Iiraniyiin ah ayaa qayb wayn ka ahaa mudaharadaadii dowlada Iiraan looga soo horjeeday ee lagu doonayay in xukunka looga tuuro Kacaan Iiraan.

Trump ayaa shalay si naxariis leh uga baryay Hogaamiyeyaasha Iiraan ineysan dilin haweenkan, wuxuna fariin uu direy Hogaamiyeyaasha Iiraan ku yidhi “Waxaan hogaamiyeyaasha Iiraan oo dhawaan wadda-hadalo la yeelan doona wakiiladeyda si wayn uga codsanayaa in lasii daayo haweenkan, waan huba iney ixtiraami doonaan codsigan, fadlan wax dhib ah ha u geysanina, hadii aad sidaa sameysaan waxay bilow wanaagsan u noqon doontaa wadda-hadaladeena.”

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.