Thursday, April 23, 2026

Ciidamada Israel Oo Shaaciyay khariidad Cusub Oo ay ka Sameeyeen koonfurta Lebanon

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ciidamada Israel ayaa shaaciyay khariidad muujinaysa aag militari oo aan la soo geli karin oo ay ka sameeyeen koonfurta Lebanon xariiq hore oo ay sheegeen in cid kasta oo u soo dhowaata ama isku dayda inay ka gudubto ay halis u geli karto in la beegsado.

Hase yeeshee, marka si dhow loo eego khariidadda, aaggaasi kuma eka dhulka oo keliya; wuxuu sii fidsanayaa gudaha Badda Mediterranean-ka, isagoo gaaraya goobta gaaska ee Qana gas field taas oo tan iyo 2022 ay si rasmi ah gacanta ugu hayso Lubnaan, kadib heshiis badeed ay la gaartay Israa’iil.

Si kastaba, si aaggan loo hirgeliyo si buuxda, Israa’iil weli waxay u baahan doontaa inay qabsato dhul dheeraad ah. Ciidamadeedu waxay u muuqdaan inay ku howlan yihiin arrintaas iyagoo si nidaamsan u burburinaya tuulooyin iyo magaalooyin ku yaalla koonfurta Lubnaan.

Heerka burburku waa mid aad u ballaaran taasoo cabsi ku abuurtay dadkii halkaas deggenaa, kuwaas oo hadda ka walaacsan in marka ay nabaddu soo noqoto, aysan jirin meel ay dib ugu laabtaan.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.