Iran oo ka hadashay dalabaadka Trump
Waxaan hadda idin soo gudbinnay faallooyinkii ugu dambeeyay ee ka soo yeeray Donald Trump, kaasoo sheegay in Mareykanka uu “wadahadallo dhab ah” kula jiro “maamul cusub oo macquul ah” oo ah Iran.
Horraantii maanta, afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa sheegay in qodobbada la soo gudbiyay ee la xiriira dalabaadka Mareykanka ee Iran ee ah in la joojiyo dagaalka ay ahaayeen “kuwo xad dhaaf ah oo aan macquul ahayn”.
Sida laga soo xigtay warbixinta hadalladiisa laga soo xigtay warbaahinta Iran, Esmail Baghaei ayaa sheegay in Tehran “aysan wax wada xaajood ah oo toos ah la lahayn Maraykanka” iyo sidoo kale in waxa ilaa hadda laga hadlay ay ahaayeen “farriimo dhex dhexaadiyayaal ah oo ku saabsan ujeeddada Maraykanka ee wada xaajoodka”.
Waxa uu sheegay in shirarka Pakistan ay yihiin kuwo aanay Iran qeyb ka ahayn.
Baghaei ayaa sidoo kale ku eedeeyay Mareykanka inuu “si joogto ah” u beddelayo mowqifkiisa “Ma garanayo inta Mareykanka ah ee si dhab ah u qaadata sheegashada diblomaasiyadda Mareykanka,” Baghaei ayaa yiri.
Donald Trump ayaa sheegay in Maraykanku uu “wada-hadallo dhab ah” la leeyahay maamul cusub oo Iran ah kaas oo uu madaxweynuhu sheegay in ay “soo afjari karto hawlgalladeenna milatari ee Iran”.
Qoraal uu soo dhigay Truth Social, Trump waxa uu ku qoray: “Maraykanku waxa uu wada-hadallo dhab ah kula jiraa NIDAAM CUSUB OONA MACQUUL AH, si loo soo afjaro hawlgalladeenna milatari ee Iran.
Iiraan oo xaqiijisay in la dilay Talihii ciidamada Badda
Israa’iil ayaa hore sheegtay in ay dishay Taliyihii ciidamada badda ee jamhuuriyadda islaamiga ah ee Iiraan.
Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee (IRGC) ayaa dhankooda si rasmi ah u xaqiijiyay dilka Alireza Tangsiri, taliyihii ciidamada badda ee IRGC, maanta afar maalmood kadib markii Israa’iil l ay sheegtay inay beegsatay.
Iran Oo Duqaysay Warshad Saliidda Sifeysa oo ku taal Magaalada Haifa ee Israel.
Waaxda dab-damiska iyo samatabbixinta Israa’iil ayaa sheegtay in dhismo warshadeed iyo booyad shidaal ay ku dhaceen burbur ka soo baxay gantaal la qabtay oo maanta ku dhacay warshadda saliidda ee Bazan.
Warbixin ay goor hore oo saaka ah soo saartay waaxda dab damiska ayaa lagu sheegay in aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay dabka, waxaana ciidamada dabdemiska ay ku howlan yihiin ka hortagga in dabku ku fido goobo hor leh, iyadoo sidoo kale baadi goob loogu jiro dad go’doonsan, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.
Lama oga halka laga soo tuuray gantaallada balse Israa’iil ayaa tan iyo markii uu dagaalku billowday waxa ay weerarro joogto ah kala kulmaysay Iran iyo kooxda Xisbullah ee ka dagaallanta dalka Lubnaan.
‘Kan ma aha dagaalkeenna mana nalagu soo jiidi karo,’ ayuu yiri Starmer
Ra’iisul wasaaraha UK Keir Starmer ayaa ku adkeystay in ciidamada UK aysan tegi doonin dhulka Iran.
Suxufiyiintu waxay saaka waydiiyeen inuu ka fikirayo inuu ciidamo British ah u diro Bariga Dhexe, Starmer waxa uu yiri: “Kani dagaalkeenu maaha, mana doonayno in aanu dhex galno.”
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sii waday inuu difaaco mowqifkiisa intii uu socday dagaalka, isagoo sheegay in UK ay qaadayso “tallaabo difaac ah” si ay u difaacdo “nolosha Ingiriiska, danaha Britain iyo, dabcan, xulafadeenna gobolka”.
Starmer waxa uu sheegay in UK ay sii wadi doonto difaacidda danaheeda oo ay ka shaqayn doonto sidii dib loogu furi lahaa marin biyoodka Hormuz, balse waxa uu intaa ku daray: “Ma doonayno in aanu dagaalkan dhex galno.”