Heemaal News Network

Ra’iisul Wasaaraha cusub Ee Falastiiniyiinta Oo Xilkii la Wareegay Iyo Iraa’iil iyo Xamaas

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Falastiiniyiinta, Muxammad Mustafa, ayaa si rasmi ah xilkiisa ugala wareegay Ra’iisul Wasaarihii isaga ka horreeyay, Muxammad Shtayyeh, kadib munaasabad ka dhacday xarunta Ra’iisul Wasaaraha ee magaalada Ramallah ee dhulka la haysto ee Daanta Galbeed.

Mustafa wuxuu ka gudoomay Ra’iisul Wasaarihii hore dhowr faylal si uu u daba galo oo loo sii amba qaado, qorshaha dib u dhiska Qasa iyo dib u soo kabashadeeda, iyo sidoo kale waxaa loo yaqaan dib u habeynta iyo qorshayaasha degdega ah.

Mustafa waxa uu yiri, “Guulaha ay gaartay dowladdii hore aad ayaa loogu riyaaqay in kasta oo ay dhibaato kala kulantay shaqadeeda, iyo caqabadaha ay Falastiiniyiinta kala kulmaan dagaalka ka socda Marinka Qasa iyo Daanta Galbeed oo ay ku jirto Qudus. dil, burburin, iyo dhul balaarsi,” ayuu tilmaamay.

Madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabbaas ayaa Maxamed Mustafa u xilsaaray bartamihii bishii Maarso in uu u soo dhiso dawladdii 19-aad ee Falastiiniyiinta.

Dhamaadkii bishii Febraayo ee la soo dhaafay, waxaa is casilay Ra’iisul Wasaarihii hore Muxamed Shtayyeh, isagoo sheegay in marxaladda xigta ay leedahay caqabado u baahan in la sameeyo hab cusub oo dowladeed iyo mid siyaasadeed.

Samaynta xukuumadda cusub ee Falastiin ayaa ku soo beegantay iyadoo la eegayo dagaalka Israa’iil ee ka socda Marinka Qasa, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 32 kun oo qof, in ka badan 73 kun oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Hawlaha Ra’iisul Wasaaraha cusub, sida ku xusan qoraalka shaqada, waxaa ka mid ah, isku xirka dadaallada dib u dhiska ee Marinka Qasa, dib-u-midaynta hay’adaha Falastiiniyiinta, dib-u-habaynta joogtada ah ee u horseedaysa nidaam ku salaysan maamul iyo hufnaan iyo la-dagaallanka musuqmaasuqa, iyo doorashooyinka madaxtinimo ee dhammaan gobollada Falastiiniyiinta, oo ay ku jirto magaalada Quddus, sida laga soo xigtay wakaaladda Wararka Falastiiniyiinta.

Mustafa waxa uu wajahayaa shaqo adag oo maamul iyo mid diblumaasiyadeed, gaar ahaan wixii ka dambeeyay burburkii Qasa ka dhacay oo ay sabab u tahay duqeymaha Israa’iil ee joogtada ah iyo barakicinta inta badan shacabka Marinka oo gaaraya 2.3 milyan oo qof, iyo sidoo kale baahida ay u qabaan gargaar.

Daanta Galbeed waxa kale oo ay marqaati ka tahay “rabshadihii ugu xumaa” ee tobanaan sano, ra’iisul wasaaraha cusubna waxa uu wajahayaa hawsha kormeerida gargaarka caalamiga ah ee la filayo oo balaayiin doollar ah.

Intaa waxaa dheer, Israa’iil waxay sheegtay in aysan “marnaba la shaqeyn doonin” dowlad kasta oo Falastiin ah oo diidda “in ay diiddo” Xamaas iyo weerarkeedii 7-dii Oktoobar, oo ay ku dhinteen 1,200 ayna ku qafaasheen 253, sida laga soo xigtay tirooyinka rasmiga ah ee Israa’iil.

Mawduuca mustaqbalka Xamaas, Mustafa wuxuu yiri: “Habka ugu wanaagsan ee loo marayo waa in geeddi socodku noqdo mid loo dhan yahay intii suurtagal ah, waxaan jeclaan lahaa in Falastiiniyiintu ay ku midoobaan ajendaha PLO”.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Hoggaamiyaha Xamaas Oo ka Hadlay Cilka Ciidamada Israel u Geysteen Caruurtiisa

Heemaaln

Mareykanka Oo ka Hor-yimid Qorshe Cusub Oo Uu Shaaciyey Raisul Wasaaraha Israel.

Heemaaln

Weriyeyaal ka Tirsan Aljazeera Oo Mar kale si Xun Loogu Dhaawacay Gaza (Sawirro)

Heemaaln