Home SomaliMaraykanka:-“Iiraan waa Qasab inay Joojiso soo Saarista drones ka iyo Gantaallada.”Iyo M/Masar Oo

Maraykanka:-“Iiraan waa Qasab inay Joojiso soo Saarista drones ka iyo Gantaallada.”Iyo M/Masar Oo

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka, Marco Rubio, ayaa sheegay in Iiraan ay qasab tahay inay joojiso soo saarista drones ka iyo gantaallada ay u isticmaaleen weerarradii u danbeeyay ee Bariga Dhexe

Rubio ayaa sidoo kale xusay in madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu haysto doorashooyin badan oo diyaar ah si looga hortago in Iran ay gacanta ku dhigto marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Hormuz.

Wareysi uu siiyay ABC News, Rubio wuxuu sheegay in Mareykanku diiradda saarayo burburinta awoodaha milatari ee Iran, oo ay ku jiraan ciidanka cirka, ciidanka badda, iyo sidoo kale warshadaha hubka soo saara.

Waxa uu intaas ku daray in qorshaha Mareykanka uu sidoo kale ka mid yahay in si weyn loo yareeyo tirada gantaallada ay Iran haysato, si loo wiiqo awooddeeda milatari.

Hadalkan ayaa imanaya iyadoo xiisadda gobolka Bariga Dhexe ay sii kordhayso, gaar ahaan muhiimadda uu leeyahay marin-biyoodka Hormuz, oo ah meel muhiim u ah ganacsiga shidaalka caalamka.

Madaxweynaha Masar Oo Fariin Baryo ah u Diray Trump,

Madaxweynaha Masar oo ka hadlayay munaasibada bandhiga Tamarta Masar ayaa si dareen leh uga baryay Trump inuu joojiyo dagaalka bariga dhexe.

Abdifatah Alsisi oo fariin u diraya Trump ayaa yidhi “Cidna ma joojin karo dagaalka gobolka Khaliijka adiga mooyee, fadlan naga caawi inaan joojino dagaalka, waad awoodaa inaad sidaas sameysid.”

Madaxweynaha Masar ayaa ka digay in qiimaha shidaalku uu 200 oo dollar ka sara mari doono, “Waxaan ka baqayaa in bartilmaameedsiga xarumaha tamartu ay saameyn aad u daran ku yeelan doonto dhaqaalaha Adduunku.” ayuu yidhi Sisi.

Hogaamiyaha xisbigga midigta dhexe Oo ku Taliyay In aan la Taageerin Dagaalka Maraykanka Ee Iran

Tino Chrupalla, oo ah guddoomiyaha xisbigga midigta dhexe ee AfD, ayaa ku baaqay in Jarmalka uu raaco tusaalaha Spain ee ku saabsan ka bixidda taageerada milatari ee la xiriirta dagaalka ka socda Iran iyo Mareykanka, wuxuuna sidoo kale ku dooday in Jarmalka laga saaro dhammaan ciidamada Mareykanka ee dalka ku sugan.

Chrupalla ayaa sheegay in Spain ay diiday in saldhigyada milatari ee dalka loo isticmaalo hawlgallada dagaalka ee ka dhanka ah Iran, taasoo saamaxday in markabkeeda uu si nabad ah uga dhex socdo Badda Hormuz iyada oo aan la gelin khilaafyo milatari. Waxa uu ku baaqay in Jarmalka uu qaato go’aan la mid ah oo uu ka joojiyo marin u helida saldhigyadiisa ciidamada shisheeye ee ku lug leh khilaafka, una diro ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalka gurigooda.

Hadalkiisa ayaa qayb ka ah dood ballaaran oo ka taagan Yurub oo ku saabsan sida ay dowladaha Yurub uga falcelinayaan dagaalka sii socda ee u dhexeeya Maraykanka, Israel, iyo Iran iyadoo dalal qaar sida Spain ay si cad u muujiyeen inaysan taageersanayn ka qeybqaadashada milatari ee khilaafka

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.