Somaliland Oo Safaaradeedda Israa|l ka Furanaysa Magaalada Quddus

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Somaliland ayaa safaaradeedda Israa|l ka furanaysa magaalada barakaysan ee Quddus, sida uu shaaciyey Wasiirka Arrimaha-dibedda Israa|l oo sheegey in ay noqonayso safaaraddii siddeedaad ee laga furo magaaladaasi la haysto.

Sidoo kale Safiirka Idman ee Somaliland u fadhiya Israel ayaa ka hadlay xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil safaarada au furanayso ayaa waxa uu yiri:- “Waxa aan halkan kaga dhawaaqayaa in Safaaradda Jamhuuriyadda Somaliland aan ka furi doona magaaladda Jerusalem si dhakhso ah.

Safiirka Idman ee Somaliland u fadhiya Israel ayaa yiri “xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil waxa uu noqon doonaa mid xiriirka istraatiiji ah oo qotodheer. Xidhiidh dhab ah oo Somaliland iyo Israa’iil faa’ido u ah. Dadkayga waxa aan ka rabaa isku duubni iyo midnimo. Ballankeenu waa horumar, wadajir iyo midnimo joogta ah. Xidhiidhka Israa’iil waxa uu noqon doonaa mid aad ku raysaan.”

Israa|l ayaa iyadu Quddus u taqaan ‘Jerusalem’ iyo caasimaddeeda rasmiga ah, balse maamulka Falastiin & dunida Islaamka ayaa u aqoosan caasimadda Falastiin.