Puntland oo Taageero u Muujisay Madaxweyne Qoorqoor iyo Galmudug.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad-goboleedka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa shaaciyay in Puntland ay taageero u fidin doonto maamulka uu hoggaamiyo Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, xilli ay cirka isku sii shareerayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan Galmudug.

Lugatoor ayaa sheegay in Galmudug ay tahay maamul ay daris yihiin Puntland, isla markaana xasilloonideeda iyo amnigeedu ay muhiim u yihiin Puntland. Wuxuu dhaliilay sida loo maareynayo xaaladda amni, isaga oo ku dooday in ciidamo hore ugu sugnaa furimaha dagaalka Al-Shabaab laga soo raray goobihii ay joogeen, loona wareejiyay magaalada Dhuusamareeb.

“Maanta wax allaale wixii ciidamo Shabaab horfadhiyay waxaa loo soo raray Dhuusamareeb,” ayuu yiri Lugatoor, isaga oo arrintaas ku tilmaamay mid saameyn ku yeelan karta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sidoo kale, wuxuu eedeyn siyaasadeed u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ugu baaqay shacabka Galmudug inay ka shaqeeyaan ilaalinta midnimada iyo dowladnimada maamulka.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa ugu dambeyn caddeeyay in Puntland ay garab istaagi doonto Galmudug si loo ilaaliyo xasilloonideeda, wadajirkeeda iyo badbaadadeeda siyaasadeed.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay jiraan warar isa soo taraya oo ku saabsan khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Villa Somalia iyo maamulka Galmudug, kaas oo la xiriira arrimaha doorashada iyo mustaqbalka hoggaanka maamulkaas. Si kastaba, dhinacyada ay khusayso ayaa weli si faahfaahsan uga hadlin dhammaan qodobada la xiriira muranka la sheegayo.