Dowlada Somalia oo Amar ku soo Rogtay Shirkado ka Howlgala Dalka

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Iyadoo la tixraacayo Qodobka 32-aad ee Sharciga Dhowrista Xogta (Sharci Lr. 005 ee 2023), Hay’adda Dhowrista Xogta ee dowlada Soomaaliya waxay ku wargelisay dhammaan Xog-dhowrayaasha (Data Controllers) iyo Xog-adeegsadayaasha (Data Processors) ee ka hawlgala Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya in la bilaabay diiwaangelinta hay’adaha iyo shirkadaha adeegsada xogta shakhsiga ah, si loo xaqiijiyo ilaalinta xogta muwaadiniinta iyo u hoggaansanaanta sharciga dalka.

Hay’addu waxay qabaneysaa codsiyada diiwaangelinta, waxayna shahaadada rasmiga ah ee diiwaangelinta siin doontaa hay’adaha iyo shirkadaha buuxiya dhammaan shuruudaha ay Hay’addu dejisay.

Sidaa darteed, dhammaan hay’adaha iyo shirkadaha ku lug leh uruurinta, kaydinta, adeegsiga, gudbinta, ama shaacinta xogta shakhsiga ah, waxaa la farayaa inay u hoggaansamaan waajibaadka diiwaangelinta iyo dhowrista xogta ee uu dhigayo Sharciga Dhowrista Xogta.