10
“Waxaa annaga oo shir kula jirna ugaaska beesha Murusade iyo odayaasha dhaqanka weerar nagu soo qaaday taliska uu hoggaamiyo Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday. Waxaan Alle ka baryayaa in uu u naxariisto intii ku dhimatay, una boogadhayo intii ku dhaawacantay.
Khasaaro kasta oo ka dhasha falkan waxaa masuuliyaddiisa qaadaya Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday oo na soo weeraray annaga oo diyaargarow ugu jirna bannaanbaxa nabadeed ee berri noo madlan”.

