Dagaal Khasaare Culus Geystay oo Ka Qarxay Adhi-Caddeeye Ee Gobolka Sool

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ugu yaraan 9 qof ayaa ku dhintay halka 33 kalena ay ku dhaawacmeen dagaal culus oo saaka ka dhacay deegaanka Adhi-Caddeeye.

Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in dagaalku uu ka dhashay xiisad hore u dhex martay beelaha Fiqishini iyo Jaamac Siyaad kuwaas oo deegaanadaasi wada dega.

Sida xogaha la helayo tilmaamayaan abaare 10:00 subaxnimo ayaa jidka mara Adhi-Caddeeye lagu weeraray laba nin oo la sheegay inay ahayeen rag qaadle ah ka dib uu dagaal culus ka dhashay.

Weerarkaasi waxa ku dhintay hal qof halka qofkii kale uu dhaawacmay Sidoo kale nin kale oo goobta ku sugnaa ayaa ku dhaawacmay rasaas seeraare ah.

Kadib markii maydka iyo dhaawacyada loo qaaday deegaanka Yagoori ayaa xaaladdu cirka isku shareertay waxaana halkaasi ka qarxay dagaal toos ah oo dhex maray labada dhinac.

Xogaha ugu dambeeyay ayaa muujinaya in dagaalku sababay dhimashada 9 qof iyo dhaawaca 33 kale

Guud ahaan deegaanka waxa ku burburtay hanti badan iyo Guryo la gubay.

Screenshot