Steve Bannon Oo Dalbaday In Wiilka NataniyaauvLaga Mastaafuriro Maraykanka.

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Steve Bannon, oo horey u ahaa la-taliye u shaqeyn jiray Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa ku baaqay in Yair Netanyahu laga masaafuriyo Mareykanka loona diro furinta hore ee dagaalka Iran, iyada oo ay socdaan weerarada iskaashiga ah ee labada dal.

Bannon, oo ka hadlay barnaamijka toos ah oo lagu magacaabo Real America’s Voice, ayaa su’aal geliyay sababta Yair Netanyahu uu uga nasanayo magaalada Miami xilli ay socdaan weerarada Mareykanka iyo Israel ee Iran.