Marwada Madaxweynihii hore ee Kuuriyada Koonfureed Oo Lagu Xukumay 7 Sano Oo Xabsi ah

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Marwada madaxweynihii hore ee Kuuriyada Koonfureed ayaa lagu xukumay 7 sano oo xabsi ah ka dib markii lagu helay in ay qaadatay laaluush iyo hadyado qaali ah si ay u bixiso qandaraasyo dawladeed.

Kim Keon Hee ayaa la caddeeyey in ay qaadatay shandado qaali ah, dahab iyo agab kale oo xarrago kuwaas oo ay siiyeen ganacsato doonaysay qandaaraasyo dawladeed iyo dad kale oo xil raadis ahaa.

Xogta ay baahisay Al jazeera ayaa sheegaysa in marwadani ka faa’iidaystay awooddii saygeeda taas oo ay ku heshay dhaqaale aad u badan.

Musuq maasuqan ayaa dhacay intii uu xilka hayey saygeeda kaas oo xukunka laga tuuray sannadkii 2024-kii.