Thursday, August 20, 2026

Booliiska Jarmalka Oo Nin Somali ah kala kulmay Dhacdo aan Caadi Ahayn kuna Tilmaameen Mmid.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Nin Soomaali ah oo 28 jir ah ayaa saqdii dhexe isagoo wata mooto yar oo koronto ku shaqaysa (e-scooter) kula dhacay meel ay booliisku ku sugnaayeen magaalada yar ee Oberau, gobolka Bayern. Markii ay baaritaan ku sameeyeen, waxay ogaadeen in ninku aad u sakhraansanaa, balse waxa yaabka lahaa wuxuu ahaa inaysan horey nolashooda u arag qof cabsan xadiga khamriga uu ninka Soomaaliga ah cabsanaa oo horey dhakhaatiirtu u diiwaangeliyeen qofka caba inuu dhaqso u dhiman karo, kaakiin Soomaaligu wuxuu ahaa mid weli hadli karay, istaagi karay, isla markaana mooto ku socon karay.

Baaritaankii dhiigga ayaa muujiyay 5.06 promille oo khamri ah. Tiradan ayaa xitaa askartii khibradda lahayd ku noqotay wax aan caadi ahayn, waxaana baaritaanka la hubiyay in ka badan hal mar.

Dhakhaatiirta ayaa sheegay in heerkan khamriga dhiigga ku saaqa ee ninkan uu cabsanaa inuu dadka badankood noloshooda khatar gelin karo. Wuxuu sababi karaa miyir-beel, neefsashada oo istaagta ama gaabis noqota, wareegga dhiigga oo shaqada joojiya iyo dhaawacyo halis ah. Qofka waxaa sidoo kale khatar ugu jirta inuu mataggiisa ku mergado.

Ninka Soomaaliga ah, oo dhaawac madaxa ah soo gaaray, ayaa isbitaalka lagu daweeyay kadibna laga saaray.Hadda waxaa lagu wadaa baaritaan, isagoo wajahaya eedeymo la xiriira inuu mooto koronto waday isagoo si aad ah u sakhraansanaa.