Qaar ka mid ah ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan gobolka Shabeellaha Hoose ayaa la filayaa inay toddobaadka soo socda baneeyaan afar goobood oo muhiim ah, sida ay sheegayaan ilo-wareedyo xog-ogaal ah.
Bixitaanka ayaa qayb ka ah qorshaha dhimista ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya, xilli howlgalka uu wajahayo caqabado dhinaca maalgelinta ah, iyadoo muddada kala-guurka ciidamada loo kordhiyay ilaa dhammaadka December 2026.
Haddii ciidamada Midowga Afrika ay baneeyaan goobahaasi, waxaa laga cabsi qabaa inuu gobolka ka dhasho firaaq amni, maadaama awoodda ciidamada dowladda ee la wareegidda iyo joogteynta amniga goobahaas ay weli xaddidan tahay.
Shabeellaha Hoose ayaa muhiim u ah amniga Muqdisho, waxaana gobolka ka socda howlgallo militari oo ka dhan ah Al-Shabaab. Wararka laga helayo deegaanada qaar ayaa muujinaya in kooxda ay isku dayeyso inay ka faa’iideysato meelaha ay ciidamada Midowga Afrika ka baxayaan.
Qorshaha bixitaanka ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada dowladda ay ku mashquulsan yihiin howlgallo militari oo ka socda qeybo kale oo dalka ah, iyadoo ay jiraan walaacyo laga qabo in awoodda amni ee dowladda aysan ku filnaan doonin inay si degdeg ah ula wareegto dhammaan goobaha laga saarayo ciidamada Midowga Afrika.
Ilaa hadda, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay taliska howlgalka Midowga Afrika ama dowladda Soomaaliya oo xaqiijinaya magacyada afarta goobood iyo waqtiga rasmiga ah ee ciidamada laga saarayo.
