Dagaal Culus ayaa hada Mooyaale Dib uga qarxay, kaddib saacado gellinkii hore iyo duhurkii ahaa oo uu dagaalku hakad galay.
Ciidamo badan oo Oromo ah oo soo gaadhay magaalada Mooyaale ayaa furimo dhawr ah ka bilaabay dagaalka, waxaana hadda socda dagaal culus, iyadoo shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan magaaladuna ay is-difaacayaan.
Dagaalka mooyaale hada dib uga bilowday ayaa ah kii ugu cuslaa ee oromadu soo qaado yan iyo intii dagaalku bilowday
Oromada oo soo diyaar garowday, hub culus ku gaashaaman gurmad badana heshay ayaa isku dayeysa inay guud ahaan magaalada mooyaale Qabsato hasayeeshee geesiyaasha dregaanka iyo shacabka ree mooyaale ayaa dhulkooda difaacanaya.
