9
Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), waxay digniin degdeg ah u direysaa bulshada ku nool gobollada Bari iyo Nugaal, gaar ahaan degmooyinka Hafuun, Eyl, Dangoroyo, Bandarbayla, Qardho iyo Garawe.
Sida ay muujinayso saadaasha cimiladu, waxaa jira duufaan onkod leh (Thunderstorm) oo xooggan, taasoo la filayo inay saameyn ku yeelato deegaannadan kor ku xusan laga bilaabo 12-ka Maajo ilaa 17-ka Maajo 2026.


