Dawladda Talyaaniga ayaa u yeedhay Safiirkii Ruushka u fadhiyey Rome si wax looga waydiiyo weriye ka hawl-gala gudaha Ruushka kaas oo Raysal wasaaraha dalkaas ku tilmaamay in ay tahay gabadh gaaban oo fool xun.
Danjire Alexei Paramonov ayaa la waydiinayaa sababya kalliftay in weriyaha Moscow joogaa uu aflagaadeeyo raysal wasaare Talyaaniga Giorgia Meloni oo ah qofta dalkaas ugu sarraysa.
Wasiirka Arrimaha dibadda ee dalka Talyaaniga Antonio Tajani ayaa sheegay in hadalladaasi yihiin meel ka dhac aan loo dul qaadan doonin isla markaana ay saamaynayso xidhiidhka labada dal.
Ruushka ayaa hadda looga fadhiyaa in ay xaal iyo raalli gelin ka bixiyaan hadalka weriyaha ee uu ku duray Raysal wasaare Meloni kaas oo cadho badan ka abuuray gudaha Rome.
