Banaanbax uu ku baaqay ururka Muslimiinta Pakistan ee PML-N ayaa laysugu soo baxay dhowr magaaloo oo ku yaal dalka.
Dadweynaha ayaa ka horjeeday weerarada Xuutiyiintu ku qaadeen Sacuudiga kuwaas oo lagu beegsaday magaalada Makah.
Dibadbaxayaasha ayaa muujiyay in ay garab taagan yihiin Sacuudiga, waxayna ku baaqeen in la difaaco magaalooyinka barakeysan ee Makah iyo Madina.
Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay Lahore, Islamabad, Karachi, Gujranwala, Faisalabad, Hyderabad iyo dhowr magaallo oo kale oo ku yaal Pakistan.
Dibadbaxayaasha ayaa ku qeylinayay hal-ku-dhigyo looga horjeedo Xuutiyiinta Yemen, waxay kaloo siteen dadka boorar lagu taageeryo Sacuusdiga.
Xuutiyiinta Yemen wey beeniyeen in ay weerareen goobaha barakeysan ee Makah, balse Sacuudiga ayaa sheegay in ay ka hortageen diyaarad aan duuliye laheyn oo la doonayay in lagu weeraro Makah.
Wasiirka difaaca Pakistan, Khawaja Asif, ayaa shalay sheegay in weerarada Xuutiyiinta ay ku soo aadeen waqtigii la hirgelin lahaa heshiiska Makah ay wadagaleen Sacuudiga, Turkiga iyo Pakistan.
Milateriga Pakistan ayaa sheegay in ay difaacayaan Sacuudiga
Afhayeen u hadlay milateriga Pakistan ayaa sheegay in dalkiisa uusan “waxba la hari doonin” sidii uu u difaaci lahaa Sacuudiga.
Ahmed Sharif Chaudhry ayaa u sheegay wargeyska Arab News khamiistii in Pakistan ay ka taageereyso Sacuudiga dhanka diblomaasiyadda iyo milatariga.
“Waxaan qaadi doonnaa tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah si loo xaqiijiyo amniga labada Masjid ee Barakaysan iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya”.
Weerarka lagu qaaday dhuunta shidaalka ee tagta dekadda Yanbu ayaa hakisay shidaalka uu Sacuudiga dhoofiyo.
Xuutiyiintu waxay sheegeen in Sacuudiga uu joogto cirka uga duqeeyay. Riyad waxay sidoo kale ku eedeysay Xuutiyiintu in ay weerar “fulaynimo ah” ku qaadeen Makah balse Xuutiyiintu way beeniyeen.
Weerarka Sacuudigu sheegay in Makah lagu qaaday ayaa keenay jawaab ka timaada dalalka Islaamka.
Pakistan, Sacuudi iyo Turkiga ayaa 6-dii Agoosto kala saxiixday “Heshiiska Difaaca Makah,” iyagoo caddeeyay in weerar lagu qaado midkooda loo arki doono weerar lagu qaaday saddexda waddan.
