Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay Somaliland kala heshiisay khilaafkii ka dhashay nidaamka fiisaha elektaroonigga ah ee eVisa-ha, iyadoo sheegtay in hadda labada dhinac ay ku wada qanacsan yihiin habka loo maamulayo nidaamkaas.
Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya, Axmed Macallin Xasan, ayaa BBC-da u sheegay in aanay hadda jirin caqabado la xiriira nidaamka eVisa-ha, isla markaana nidaamka cusub uu u furan yahay ganacsatada Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan kuwa ka howlgala Hargeysa.
Axmed ayaa sheegay in nidaamka lacag-bixinta ee ay adeegsadaan shirkadaha diyaaradaha iyo wakaaladaha socdaalku uu markii horeba ahaa mid loogu talagalay ganacsatada Soomaaliyeed, isagoo xusay in hirgelintiisu ay fursado ganacsi u abuuri karto dadka ku nool gobollada kala duwan ee dalka.
Wuxuu sheegay in wakaaladaha socdaalka ee Hargeysa iyo kuwa ka howlgala meelaha kale ee Soomaaliya ay dhammaantood isticmaali karaan nidaamkaas, isaga oo meesha ka saaray walaaca laga qabo in hirgelintiisu ay caqabad ku noqoto ganacsatada Somaliland.
Mar wax laga weydiiyay walaaca la xiriira canshuuraha laga qaado tigidhada diyaaradaha iyo sida ay u wada shaqeyn doonaan nidaamyada socdaalka ee Soomaaliya iyo Somaliland, Axmed wuxuu sheegay in nidaamku yahay mid mideysan oo dalka oo dhan laga isticmaali karo.
Wuxuu intaas ku daray in khilaafkii dhawaan ka dhashay eVisa-ha aanu hadda taagneyn, isla markaana ay jirto is-afgarad ku saabsan sida nidaamka loo adeegsanayo. Si kastaba, wuxuu sheegay in arrimaha la xiriira shuruucda dalka iyo qaybsiga kheyraadka ay yihiin kuwo u baahan in lagu saleeyo habraacyada u degsan dalka.
Khilaafka eVisa-ha ayaa hore walaac uga abuuray dadka u kala safraya Soomaaliya iyo Somaliland, gaar ahaan dhinaca maamulka socdaalka iyo lacagaha laga qaado dadka soo galaya deegaannada kala duwan.
Axmed Macallin Xasan ayaa ku adkeystay in nidaamku yahay mid ay isticmaali karaan ganacsatada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, isla markaana uu gacan ka geysan karo horumarinta ganacsiga duulista iyo adeegyada socdaalka.
