Thursday, November 12, 2026

Dowladda Eritrea Oo ku Dhawaaqday in Itoobiya ay Duullaan kusoo Qaaday Ddalkeeda.

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Dowladda Eritrea ayaa ku Dhawaaqday in Itoobiya ay Duullaan kusoo Qaaday Ddalkeeda.

Bayaan ka soo baxay dowladda Eritrea ayaa lagu sheegay in Itoobiya ay ku xadgudubtay madax-bannaanida dhuleed ee dalka Eritrea.

Eritrea ayaa sheegtay inay iska difaaci doonto weerar kasta oo lagu soo qaado dalkeeda.

Dhanka kale, dowladda Itoobiya ayaa horay Eritrea ugu eedaysay in ciidamadeedu ku sugan yihiin gudaha dhulka Itoobiya.

Khilaafka u dhexeeya labada dowladood ayaa gaaray heerkii ugu sarreeyay abid.