Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa sheegay in Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, uu aqbalay in Somaliland iyo Soomaaliya ay midoobaan, kaddib dadaallo dhex-dhexaadin ah oo uu sameeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.
Farmaajo ayaa tilmaamay in Abiy Axmed uu si dhab ah uga shaqeynayay midnimada Soomaaliya, inkastoo taariikh ahaan Itoobiya lagu eedeeyo inay door ku leedahay kala fogaanshaha Soomaalida. Wuxuu xusay in, iyadoo shaki badan laga qabay hoggaanka cusub ee Itoobiya, haddana ay arkeen dadaal muuqda oo lagu doonayo in lagu heshiisiiyo dhinacyada Soomaalida.
Sida uu sheegay, mar uu ku sugnaa magaalada Addis Ababa ayuu Abiy Axmed la soo xidhiidhay, isagoo u sheegay in Muuse Biixi uu halkaas joogo, isla markaana uu doonayo inuu labada dhinac isku keeno. Farmaajo ayaa sheegay in uu aqbalay kulankaas, islamarkaana ay saacado badan wada qaateen isaga iyo Muuse Biixi, iyagoo ka wada hadlay mustaqbalka dalka.
Farmaajo ayaa intii kulanka socday ku boorriyay Muuse Biixi inuu hoggaamiyo Soomaaliya oo dhan, isla markaana saxo khaladaadkii jira. Wuxuu sheegay in Muuse Biixi uu aqbalay fikraddaas, isla markaana uu isna kula taliyay Farmaajo in marka uu Muqdisho tago uu bixiyo cudur-daar iyo raalli-gelin ku aaddan wixii hore loogu geystay shacabka Somaliland, si loo yareeyo kala fogaanshaha.
Dhankiisa, Abiy Axmed ayuu sheegay inuu Muuse Biixi u sheegay in Somaliland aan la aqoonsan doonin, isla markaana ay muhiim tahay in la raadiyo midnimo. Wuxuu sidoo kale xusay in khilaafaadkii hore ay door ku lahaayeen arrimo gobolka ka jiray oo dowladii Tigraygu gadhwadeen ka ahayd, balse uu doonayo inuu horseedo heshiis iyo wadajir.
Muuse Biixi oo dhawaan arrinta si kooban uga hadlay, ayaa sheegay in Abiy uu doonayay in Farmaajo uu Hargaysa keeno, lakiin uu la hadlay Farmaajo, oo uu u sheegay in aanu qaadan talada Abiy.
