Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Esmail Baghaei, ayaa sheegay in dalku “si dhow ula socdo horumarrada” ka socda saaxadda siyaasadda, isagoo ka jawaabaya codsiyada Pakistan ee xabbad-joojinta, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda ee IRNA.
Qoraal uu ku daabacay barta Telegram, ee IRNA afhayeen Baghaei ayaa ku goodiyay in Iiraan qaadi doonto “tallaabooyin lagama maarmaan ah oo ku habboon si loo ilaaliyo danaha qaranka iyo amniga Iiraan”.
Marka laga hadlayo suurtagalnimada wadahadallo dheeraad ah oo lala yeesho Washington, Baghaei wuxuu yiri: “Diblomaasiyaddu waa aalad lagu sugo danaha qaranka iyo amniga, mar kasta oo aan ku qancno in ay jiraan shuruudo lagama maarmaan ah oo macquul ah oo lagu adeegsan karo aaladdan… waan qaadi doonnaa tallaabooyin.”
Xalay ayay ahayd markii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ku dhawaaqay inuu kordhin doono xabbad-joojinta, kadib codsi ka yimid Pakistan, isagoo tilmaamay in dowlad “aad u kala daadsan” oo ka jirta Iiraan.
Markab saddexaad oo lagu weeraray Hormuz
Markab xamuul oo saddexaad ah ayaa lagu weeraray marinka Hormuz xili uu isku dayayay inuu maro marin biyoodka Hormuz, sida ay sheegtay shirkadda amniga badda ee Vanguard u sheegtay qaybta xaqiijinta wararka ee BBC Verify.
Markabkan, oo ku uu ka babanayay calanka Panama oo lagu magacaabo MSC Francesca, ayaa lagu bartilmaameedsaday qiyaastii lix mayl oo badda ah meel u dhow xeebta Iiraan xilli uu ku sii jeeday koonfurta marin biyoodka una socday Gacanka Cumaan.
Markabka ayaa la sheegay in la siiyay diginin inta aan la weerarin.
Ma jiro macluumaad dheeraad ah oo weli la soo weriyay.
