Iran ayaa si adag uga digtay Mareykanka, gaar ahaan ciidankiisa badda, inay soo galaan ama u dhowaadaan marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Hormuz. Digniintan ayaa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay taliska guud ee ciidamada qalabka sida ee Iiraan, kaas oo ay baahiyeen warbaahinta dowladda, iyadoo lagu adkeeyay in Tehran ay qaadi doonto “tallaabo adag” haddii ay aragto dhaqdhaqaaq militari oo ay u aragto faragelin.
Warsaxaafadeedka ayaa si gaar ah u xusay in ciidamo shisheeye, gaar ahaan kuwa Mareykanka, aan loo oggolaan doonin inay galaan ama ku soo dhowaadaan marinka Hormuz, iyadoo la tilmaamay in arrintan ay khatar ku tahay amniga qaranka Iiraan.
Mas’uuliyiinta militariga Iiraan ayaa sheegay in ay si buuxda ula socdaan dhaqdhaqaaqyada badda, isla markaana ay diyaar u yihiin inay si degdeg ah uga jawaabaan xaalad kasta oo ay u arkaan hanjabaad.
Digniintan ayaa ku soo beegmaysa xilli uu madaxweyne Donald Trump uu ku dhawaaqay qorshe uu Mareykanku ku bilaabayo howlgal badeed oo lagu caawinayo maraakiibta ku xanniban marinka Hormuz, kuwaas oo la sheegay inay la kulmeen caqabado amni iyo xannibaadyo ka dhashay xiisadaha sii kordhaya ee gobolka.
Qorshahan ayaa la rumeysan yahay inuu sare u qaadi karo joogitaanka ciidamada Mareykanka ee aagga, taasoo si toos ah uga hor imaanaysa mowqifka Iiraan.
Marin-biyoodka Hormuz ayaa ah mid ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee ganacsiga caalamiga ah, gaar ahaan dhoofinta shidaalka, iyadoo boqolkiiba badan oo saliidda adduunka ah ay ka gudubto halkaas. Sidaa darteed, xiisad kasta oo ka dhacda aaggaas waxay si toos ah u saameyn kartaa suuqyada caalamiga ah iyo amniga maraakiibta.
Falanqeeyayaasha amniga ayaa ka digaya in hadallada is-dhaafsiga ah ee u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka ay kordhin karaan halista isku dhac militari, haddii aan la helin xal diblomaasiyadeed oo lagu dejiyo xiisadda. Ilaa iyo hadda, ma jirto wax jawaab rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Mareykanka oo ku aaddan digniinta cusub ee Iiraan, balse xaaladda ayaa weli ah mid si dhow loo la socdo, iyadoo laga cabsi qabo inay sii cakiranto
