Iran Oo Xir-xirtay Dad Looga Shakiyay Kicinta Shacabka.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ilaalada Kacaanka ee Iiraan IRGC) ee gobolka Tehran ayaa ku dhawaaqay inay xireen lix qof oo ku sugnaa degmada Pardis.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay hay’addu, dadka la xiray waxaa looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin waxa ay ku tilmaamtay “kooxo ka soo horjeeda kacaanka” isla markaana ay ku lug lahaayeen hawlo lagu sheegay inay “kicinayeen dareenka bulshada.”

Hay’addu waxay sheegtay in xarigga dadkaasi uu ka dambeeyay dabagal muddo dheer socday oo ay saraakiisheeda sirdoonku ku hayeen baraha Telegram iyo Instagram, iyo xog ururin horseeday in la aqoonsado dadka la tuhunsan yahay.

Si kastaba ha ahaatee, war-saxaafadeedka laguma faahfaahin falalka gaarka ah ee lagu eedeeyay dadka la xiray, mana lagu sheegin tallaabooyinka sharci ee laga qaadi doono.