Israa’iil Oo Isweydiinaysa sida Xisbullah ku Qgaado Dhaqdhaqaaqyada iyo Safarrada Saraakiisha sare ee Israa’iil.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Warbaahinta Israa’iil ayaa bilowday inay isweydiiso sida ururka Xisbullah ee Lubnaan uu ku ogaado dhaqdhaqaaqyada iyo safarrada saraakiisha sare ee Israa’iil.

Su’aashan ayaa soo baxday kadib dhacdo ka dhacday koonfurta Lubnaan, taas oo maanta loo oggolaaday warbaahinta inay faafiso kadib muddo mamnuucid lagu hayay.

Sida wararku sheegayaan, diyaarad yar oo nooca aan duuliyaha lahayn ee qaraxyada lagu xiro oo ay leedahay Xisbullah ayaa si toos ah u beegsatay gaariga taliyaha Taliska Waqooyiga ee ciidanka Israa’iil, Jeneraal Rafi Milo, xilli uu ku guda jiray kormeer uu ku marayay koonfurta Lubnaan.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Jeneraal Milo iyo mid ka mid ah saraakiisha ciidamada Israa’iil

ay ka dageen gaariga ilbiriqsiyo yar ka hor qaraxa, taasoo sababtay inay si dirqi ah uga badbaadaan weerarka, ka hor inta aysan diyaaradda ku dhicin gaariga.

Screenshot

Screenshot

Screenshot

Screenshot