Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Washington D.C. kulan quraac ah kula yeeshay xubno ka tirsan Congress-ka Maraykanka iyo Safiirro ka kala socda dalal ka tirsan Beesha Caalamka oo fadhigoodu yahay Washington D.C.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka, iskaashiga istaraatiijiga ah, amniga iyo xasilloonida gobolka, ganacsiga iyo maalgashiga, iyo doorka muhiimka ah ee ay Somaliland ku leedahay amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Madaxweynaha ayaa kulanka ku adkeeyey in Somaliland doonayso in loo arko dal istaraatiiji ah oo la isku hallayn karo (Reliable Strategic Partner) nabad ah, xasilloon, leh Hay’ado Dawli ah oo shaqaynaya, isla markaana ku taalla goob juqraafi-siyaasadeed muhiim u ah amniga iyo danaha wadajirka ah ee gobolka iyo caalamka.
