Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qayb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Yugaandha Mudane Yoweri Kaguta Museveni oo lagu qabtay magaalada Kampala.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha dib loo doortay ee dalka Yugaandha, isaga oo u rajeeyey in hoggaamintiisa cusub ay dadka iyo dalka u horseedo guul, horumar iyo barwaaqo.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Yugaandha martigelinta diirran ee ay u sameeyeen wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee labada dal.
DHAMMAAD





