“Waxa aan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelka, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Somaliland, geerida ku timid ALLE ha u naxariistee Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale, oo maanta oo ay taariikhdu tahay 13-ka Nofeembar 2026 ku geeriyooday caasimadda Hargeysa.
Marxuumku waxa uu ahaa mujaahid, halgamaa, qoraa, taariikh-yahan iyo siyaasi door muuqda oo aan la ilaawi karin ka soo qaatay halgankii dib-u-xoraynta dalka, dhismaha iyo ilaalinta qarannimada, iyo taabbo-gelinta dawladnimada Somaliland.
Marxuum Boobe Yuusuf Ducaale waxa uu ummadda uga tegay dhaxal taariikheed, aqooneed iyo waddaniyadeed oo qiimo weyn leh. Noloshiisa, halgankiisa iyo qoraalladiisu waxa ay ka mid yihiin raadadka waara ee ku suntanaan doona xusuusta bulshada iyo taariikhda qaranka. Dhaxalkiisa iyo halgankiisa waddaniyeedna waxa ay jiilasha dambe u iftiimin doonaan qiimaha qarannimada iyo halganka ummadeed.
Waxa aan ALLE SWT uga baryayaa in uu marxuumka u naxariisto, dembigiisana dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo. Qoyska, ehelka, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Somalilandna samir iyo iimaan ha ka siiyo”
