Madaxweyne Ciro Oo si Rasmi ah Xadhiga Uga Jaray Safaaradda Somaliland Ee Magalada Qudus..

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Somaliland ayaa si rasmi ah safaaradeeda Israa’iil uga furatay magaalada Qudus waxaana furitaanka safaarada ka hadlay Madaxweyne Cirro.

“Maanta waxa ay ummadda Jamhuuriyadda Somaliland u tahay maalin guul Qaran iyo taariikh muhiim ah.

Waxa aanu si rasmi ah u furnay Safaaraddii ugu horraysay ee Jamhuuriyadda Somaliland ku yeelato dal si rasmi ah u aqoonsaday madaxbannaanideeda, taas oo laga hirgeliyey magaalada Qudus.”

Wasiirka Arrimaha-dibedda Israel ayaa sheegey in safaarada Somaliland laga furay Caasimada Israel ee Qudus, xilli dunida Islaamku u aqoonsan tahay caasimadda Falastiin.