Monday, September 14, 2026

Mareykanka Oo Markii Ugu Horreysay Sheegay in Wadahadallo Toos ah la Leeyihiin Xuutiyiinta Yemen

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Mareykanka ayaa markii u horreysay si cad u sheegay in wadahadallo iyo xiriir toos ah ay la leeyihiin Xuutiyiinta Yemen, sida uu sheegay madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka, J.D. Vance

Vance wuxuu sheegay in maamulka Mareykanku si dhow ula socdo xaaladda Yemen, isla markaana uu sidoo kale xiriir joogto ah la leeyahay dalalka gobolka, gaar ahaan Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga.

“Waxaan si toos ah wada-hadallo ula yeelannay Xuutiyiinta laftooda,” ayuu yiri Vance, isagoo sheegay in Mareykanku isku dayayo inuu xiisadda ku maareeyo wada-hadal iyo isku-xirnaan uu la leeyahay dalalka gobolka.

J.D. Vance,wuxuu xaqiijinaya Mareykanka inuu lahayn hami uu kula dagaallamayo Xuutiyiinta, isagoo xalka uu u bandhigayo Sacuudiga ay tahay in wadahadal lala galo Xuutiyiinta.