Hay’adda Xeer Ilaalinta Qaranka Rwanda ayaa sheegtay inay dalka dib ugu soo celisay Jean Léonard Teganya, oo laga soo masaafuriyay Maraykanka, in ka badan 30 sano ka dib markii uu dalka ka baxsaday xasuuqii 1994-kii ee ka dhanka ahaa Tutsiga.
Teganya, oo xilligaas arday caafimaad ka ahaa Jaamacadda Qaranka Rwanda, ayaa lagu eedeeyay inuu ka qayb qaatay xasuuq ka dhacay Isbitaalka Jaamacadda Butare ee koonfurta dalka.
Waxaa lagu soo oogay dacwado la xiriira xasuuq iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha, waxaana baarayaasha Rwanda ay dacwad ku soo oogeen sannadkii 2014-kii.
Dib u soo celintiisa ayaa soo afjareysa baadi-goob caalami ah oo socday tobannaan sano, kaas oo uu ku maray dalal ay ka mid yihiin Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Kenya, Hindiya iyo Canada, ka hor inta uusan gaarin Maraykanka.
