Heemaal News Network
  • Home
  • English News
  • Somali
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Ra’yiga
Friday, May 1, 2026
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Contact Us
  • About Us
Heemaal News Network
Heemaal Health new
Heemaal Sport new
  • Home
  • English News
  • Somali
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Ra’yiga
Login
Heemaal News Network
Heemaal Health new
Heemaal Sport new
Heemaal News Network
  • Home
  • English News
  • Somali
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Ra’yiga
Somali

Mashruucan Koronto-Ballaadhinta Borama Oo si Rasmi ah Qalinka Loogu Duugay.

by Heemaaln April 13, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Wasaaradda Tamarta Iyo Macdanta Somaliland ayaa si rasmi ah loogu saxeexay qandaraaska koronto-ballaadhinta magaalada Borama oo ay ku gulaysatay Shirkada PURE.

Mashruucan koronto-ballaadhinta magaalada Borama waxa uu leeyahay awood dhan 8 MW DC / 6.8 MW AC Solar PV Power Plant, 20 MWh Battery Energy Storage System (BESS) oo ah baytariyada kaydinta korontadda, iyo xadhiga korontadda qaada oo dhererkiisu dhan yahay 5 km noociisuna yahay (33 kV Evacuation line).

Mashruucan, oo uu maalgelinaayo Bangiga Adduunku, isla markaana ay fulinayso Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL, waxa uu ujeeddkiisu yahay in bulshada Borama ay hesho koronto la awoodayo, bedqabta, la isku halayn karo, isla markaana ka timaadda illo nadiifa oo aan deegaanka dhibaato u gaysan.

April 13, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Hakan Fidan Oo Israel ku Eedeeyay Inay Qorshaynayso Duulaan ay ku Qaado Turkiga Iyo Suuriga.

by Heemaaln April 13, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Turkiga Hakan Fidan ayaa sheegay in Israel damacsan tahay dagaal ka dhan ah Turkiga ka dib marka lagu kala calaf qaado duullaanka ka soconaya dalka Iran.

Fidan ayaa tilmaamay in Israel damacdda Turkiga uu muddo dheer soo qorshanaysay balse ay hadda soo shaac bexday, isagoo sidoo kale uga digay Israel weerar ay la damacsan tahay inay ku qabsato dhulka Suuriya.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga, Hakan Fidan ayaa xusay in Turkiga u arko iskuday kasta oo ka dhan ah Suuriya arrin amni qaran ah.

Wuxuu intaa ku daray; “Turkiga wuxuu isku diyaarinayaa dhammaan suurtagalnimada duulaan ka dhici kara Suuriya.”

Waxa xusid mudan in Turkigu uu ka mid yahay waddamada xidhiidhka xooogan muddo dheer la lahaa Israel.

April 13, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Iran Oo ku Goodisay iney Xireyso Babel Mandab haddii Mareykanku Isku dayo Fara-galinta Hormuz..

by Heemaaln April 13, 2026
written by Heemaaln 2 minutes read

Iiraan ayaa si kulul uga falcelisay cadaadiska sii kordhaya ee uga imaanaya Mareykanka, kadib markii la sheegay in Washington ay xayiraad adag ku soo rogtay dekedaha dalkaas. Tallaabadan ayaa lagu micneeyay mid lagu doonayo in lagu wiiqo dhaqaalaha Iiraan iyo in la xaddido dhaqdhaqaaqa maraakiibteeda ganacsi iyo kuwa shidaalka qaada.

Xayiraaddan cusub ayaa sare u qaaday xiisadda horey uga dhex jirtay labada dal, taasoo marar badan isu beddeshay hanjabaado siyaasadeed iyo kuwo militari.

Iyadoo ka jawaabaysa arrintan, Iiraan ayaa ku hanjabtay inay xiri doonto marin-biyoodka muhiimka ah ee Bab al-Mandab, kaasoo ah meel istiraatiiji ah oo isku xirta Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Marin-biyoodkan ayaa ah mid aad muhiim ugu ah ganacsiga caalamka, maadaama ay maraan maraakiib badan oo xambaarsan shidaal iyo badeecooyin kala duwan oo u kala goosha Yurub, Asia, iyo Afrika. Haddii la xiro, waxay si weyn u saameyn kartaa silsiladaha sahayda caalamiga ah iyo qiimaha shidaalka.

Warbaahinta Fox News ayaa sheegtay in hanjabaadda Iiraan ay tahay mid si toos ah uga dhalatay cadaadiska Mareykanka, isla markaana ay muujineyso in Tehran ay diyaar u tahay inay qaaddo tallaabooyin culus si ay uga hortagto go’doominta dhaqaale ee lagu hayo. Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyayaal badan ayaa ka digaya in tallaabo noocaas ah ay horseedi karto isku dhac ballaaran oo gobolka ka dhaca, gaar ahaan maadaama marin-biyoodkan uu aad ugu dhow yahay goobaha ay ka jiraan xiisadaha siyaasadeed iyo dagaallada.

Dhanka kale, xiritaanka Bab al-Mandab ma aha arrin sahlan, maadaama ay ku lug leeyihiin dano badan oo caalami ah iyo joogitaanka ciidamo caalami ah oo ilaalinaya maraakiibta ganacsiga. Tallaabo kasta oo lagu carqaladeynayo marin-biyoodkan waxay kicin kartaa jawaab degdeg ah oo ka timaada quwadaha waaweyn ee adduunka, kuwaas oo dan weyn ka leh badbaadada marinada ganacsi ee muhiimka ah. Sidaas darteed, hanjabaadda Iiraan ayaa sii xoojisay walaaca laga qabo in xiisadda u dhexeysa iyada iyo Mareykanka ay isu beddesho mid khatar ku ah xasilloonida gobolka iyo dhaqaalaha caalamka.

April 13, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Israa’iil Oo Wajahday Jug Siyaasadeed culus Oo Uga ka timid Yurub

by Heemaaln April 13, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Israa’iil ayaa wajahday jug siyaasadeed aad u culus oo ka timid Yurub, kadib doorasho taariikhi ah oo ka dhacday Hungary, taasoo soo afjartay 16 sano oo xukun ahaa ee ra’iisul wasaare Viktor Orbán.

Xisbiga mucaaradka ah ee Tisza Party, oo uu hoggaamiyo Péter Magyar, ayaa helay guul ballaaran, isagoo ku guuleystay 138 ka mid ah 199 kursi baarlamaan taasoo siisay awood buuxda oo uu ku bilaabi karo burburinta nidaamkii siyaasadeed ee Orbán.

Guuldarrada Orbán ayaa la xiriirta sanado dhaqaale xumo ah, fadeexado musuqmaasuq iyo caro sii kordheysay oo shacabka ka muujiyeen qaabkiisa hoggaamineed ee lagu tilmaamay mid kali-talisnimo u janjeera.

April 13, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Golaha Wasiirrada Somaliya oo Xilka ka Qaaday Agaasimihii Hay’adda Socdaalka, Mid cusubna Magacaabay

by Heemaaln April 13, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XJFS) ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay xil-ka-qaadista Agaasimihii Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, iyagoo sidoo kale magacaabay Agaasime cusub oo hay’addaasi yeelan doonto.

Fadhiga Golaha Wasiirrada ayaa lagu go’aamiyay in xilka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda loo magacaabo Xuseen Qaasim Yuusuf, kadib soo jeedin ka timid Wasaaradda Amniga Gudaha.

Agaasimaha cusub, Xuseen Qaasim Yuusuf, ayaa horey u soo qabtay xilal kala duwan oo heer dowladeed ah, kuwaas oo ay kamid yihiin Wasiirkii Madaxtooyada Galmudug (2015–2017), Xildhibaan Golaha Shacabka (2017–2026), iyo sidoo kale Guddoomiyaha Guddiga La Socodka Dib-u-eegista iyo Dhaqangelinta Dastuurka.

Magacaabistan ayaa imaneysa iyadoo xilka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda uu Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow hayay tan iyo December 12, 2024, xilligaas oo uu si rasmi ah ula wareegay hoggaanka hay’adda.

Isbeddelkan ayaa lagu tilmaamay mid ka mid ah dib-u-habeynta hay’adaha amniga iyo adeegyada socdaalka, inkastoo aan si rasmi ah loo faahfaahin sababaha keenay xil-ka-qaadista Agaasimihii hore.

April 13, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Trump Oo Sheegay inay Billaabatay Dhaqangelinta Xayiraada Bada Iiraan Iyo Ruushka Oo ka Diray

by Heemaaln April 13, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Trump ayaa sheegay inay billaabatay dhaqangelinta go’doominta badeed ee Iiraan, isagoo ku hanjabay inay burburin doonaan doon kasta oo Iiraani ah oo ku soo dhawaata aagga la go’doomiyay.

Iiraan waxay ku hanjabtay inay xirayso marin-biyoodka Bab al-Mandab , oo ah albaabka laga galo Badda Cas, iyadoo ka jawaabaysa go’doominta Mareykanka uu ku soo rogay dekedaheeda, sida ay hadda werisey Fox News.

Madaxtooyadda Ruushka ee Kremlin-ka ayaa warsaxaafadeed maanta ka soo baxay, waxaa lagu yiri ; “ Go’aanka uu Mareykanka ku go’doominayo dekedaha Iiraan , waa mid ugu dambeyn uu ka shalleyn doono oo cawaaqib xun leh.”

Wargeyska Wall Street Journal ayaa ku warramay ; “ Trump wuu hadlaya, laakin wuxuu hoos ka wadaa dadaal diblomaasiyadeed oo lagu wajahayo colaadda Iiraan.”

Warbaahinta Axios oo ku dhow Aqalka Cad ayaa ku warrantay inaysan wali xirmin albaabada diblomaasiyada , iyadoo dhexdhexaadiyeyaasha Pakistan, Masar iyo Turkiga ay sii wadaan wadahadallada ay la leeyihiin Mareykanka iyo Iiraan maalmaha soo socda, si loo yareeyo khilaafaadka harsan loona gaaro heshiis lagu soo afjaro dagaalka.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in dhammaan dhinacyadu weli ay aaminsan yihiin in heshiis la gaari karo.Dhexdhexaadiyeyaashu waxay rajeynayaan in marka la soo dhoweeyo aragtiyaha kala duwan, ay suurageli doonto wareeg kale oo wada-hadallo ah,ka hor inta aanu dhammaan heshiiska xabbad-joojinta ee ku eg 21-ka April.

April 13, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Ra’iisul wasare Xamse: Shidaalka Somaliya Halis buu ku jira Hadii aan la Helin Ciidan Awood leh.”

by Heemaaln April 13, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka digay khataraha ka dhalan kara kheyraadka dabiiciga ah ee dalka, gaar ahaan shidaalka, haddii aan si adag loo difaacin loona ilaalin.

Wuxuu sheegay in kheyraadka Soomaaliya uu yahay mid si weyn loogu tartamayo caalamka, islamarkaana dal aan lahayn awood ciidan oo sugan uu halis u geli karo in laga faa’iideysto ama xitaa laga qaato kheyraadkiisa.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu tilmaamay in isbeddel ballaaran uu ka socdo nidaamka awoodda caalamka, isagoo xusay in ay sii daciifayaan qaababkii hore ee dowladaha lagu maamuli jiray, halka kalsoonidii hay’adaha caalamiga ah ay iyaduna hoos u sii dhacayso.

Wuxuu si gaar ah hoosta uga xariiqay in ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah ay tahay arrin lama huraan ah, isagoo sheegay in haddii aan la qaadin tallaabooyin dhab ah, ay suurtagal tahay in dalka uu lumin karo kheyraad muhiim ah, gaar ahaan shidaalka oo uu ku tilmaamay bartilmaameed istiraatiiji ah.

“Ummad aan lahayn ciidan xooggan oo difaaca diinteeda, dhaqankeeda iyo dalkeeda ma leh karaamo iyo jiritaan, haddii ciidanku burburo, dalkuna wuu burburayaa,” ayuu yiri Xamsa Cabdi Barre.

Wuxuu intaas ku daray in awoodda iyo tayada ciidanka ay tahay cabbirka dhabta ah ee lagu qiimeeyo jiritaanka iyo madax-bannaanida ummad.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay muujiyaan feejignaan iyo taageero buuxda oo ku wajahan dhismaha ciidan qaran oo awood leh, si loo ilaaliyo jiritaanka dalka, midnimadiisa, iyo kheyraadkiisa dabiiciga ah.

April 13, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Masuul ka Tirsan Dowlada Kenya oo Fariin Deg-deg ah u Diray Madaxda Maamulada Somaliya.

by Heemaaln April 13, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Guddoomiyaha magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, Axmed Cabdullaahi, ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, isagoo farriin adag u diray hoggaamiyeyaasha maamul-goboleedyada ee khilaafka la leh dowladda federaalka.

Axmed Cabdullaahi ayaa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqeynta iyo midnimada dalka, isaga oo soo bandhigay saddex qodob oo uu ku sheegay inay aasaas u yihiin wadajirka iyo xasilloonida Soomaaliya.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda u maamusho arrimaha difaaca, siyaasadda dibadda, iyo sirdoonka, isla markaana loo baahan yahay in maamullada goboleed ay tixgeliyaan oo ku shaqeeyaan nidaamkaas si loo ilaaliyo midnimada dalka.

Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay dowlad-goboleedyada in aysan faragelin arrimaha istaraatiijiga ah ee taabanaya amniga iyo wadajirka qaranka.

“Dowlad-goboleedyada Federaalka Soomaaliya waa in ay ixtiraamaan awoodaha dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka, isla markaana ay hoos yimaadaan hay’adaha qaranka sida difaaca, arrimaha dibadda iyo sirdoonka, si loo gaaro Soomaaliya mideysan oo xooggan,” ayuu yiri Axmed Cabdullaahi.

Hadalkan ayaa yimid xilli lagu soo dhaweynayay hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed, waxaana lagu ammaanay dadaallada dib-u-heshiisiinta iyo isbeddellada maamulka ee ka socda magaalada Baydhaba.

Guud ahaan, Soomaaliya ayaa wajahaysa xaalad siyaasadeed oo adag oo ka dhalatay khilaafyo la xiriira dastuurka ku-meel-gaarka ah iyo nidaamka doorashooyinka, kuwaas oo u dhexeeya dowladda federaalka, maamul-goboleedyada, iyo qeybaha mucaaradka.

April 13, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Lacagta Shilinka Somaliga Oo laga Diiday Muqdisho.

by Heemaaln April 13, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Ganacsato ka howlgasha magaalada Muqdisho ayaa la soo sheegayaa in ay joojiyeen isticmaalka lacagta shilin Soomaaliga, arrintaas oo si toos ah u saameysay shacabka ku tiirsan lacagta kaashka ah ee dalka.

Wararka laga helayo Caasimada ayaa tilmaamaya in qaar ka mid ah suuqyada caasimadda, gaar ahaan degmada Heliwaa, laga diiday lacagta kunka shilin Soomaaliga, iyadoo lagu beddelay isticmaalka dollarka Mareykanka iyo lacagaha dhijitaalka ah ee taleefannada lagu kala qaato.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in sababta ugu weyn ay tahay in lacagta shilin Soomaaliga ay duugoowday, jeexjeex badan tahay, isla markaana aysan jirin dib u cusbooneysiin rasmi ah oo ay dowladdu sameysay muddo dheer.

Mid kamid ah shacabka ayaa sheegay in xaaladdu ay saameysay nolosha maalinlaha ah, gaar ahaan gaadiidka dadweynaha iyo adeegyada suuqyada.

“Subaxnimadii maanta Suuqa Xoolaha ee Heliwaa waa laga diiday kunka shilin, gaadiidkuna wuu la mid yahay, dadka qaarna lama aqbalo lacagtaas,” ayuu yiri qof deegaanka ah.

Arrintan ayaa imaneysa iyadoo gobollo kale oo dalka ah hore looga diiday isticmaalka shilin Soomaaliga, halka inta badan dhaqaalaha suuqyada waaweyn uu ku tiirsan yahay dollarka iyo lacagaha mobile-ka.

April 13, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Siyaasiyiin ku Ololaynaya in Xukunka laga Tuuro Trump.

by Heemaaln April 13, 2026
written by Heemaaln 2 minutes read

Baaqyada ku saabsan in xilka laga qaado Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyadoo la adeegsanayo Qodobka 25-aad ee Dastuurka Mareykanka ayaa sii xoogeysanaya kadib hadallo iyo go’aanno muran dhaliyay oo lagu tilmaamay kuwo halis gelin kara xasilloonida siyaasadda iyo xiriirka dibadda. Qodobka 25-aad wuxuu ogolaanayaa in madaxweynaha xilka laga wareejiyo haddii uu awood ahaan ama maskax ahaan uusan gudan karin waajibaadkiisa, balse waa hannaan u baahan taageero siyaasadeed oo aad u ballaaran oo ay ku jiraan madaxweyne ku xigeenka iyo golaha wasiirrada, taas oo ka dhigaysa mid adag in si fudud loo dhaqan geliyo.

Xisbiga Dimuqraadiga ayaa si weyn u soo dhaweeyay hadallada qaar ee ku baaqaya tallaabo sharci ah, iyagoo ku tilmaamay qaabka uu madaxweynuhu u hadlay mid mas’uuliyad darro ah oo keeni kara xiisado diblomaasiyadeed iyo khataro amni. Qaar ka mid ah siyaasiyiinta ayaa sidoo kale ku eedeeyay in hadallada laga soo xigtay ay sii hurin karaan khilaafaad caalami ah, inkastoo eedahaas ay weli yihiin kuwo siyaasadeed oo dood ka taagan tahay.

Kamala Harris ayaa ka mid ah siyaasiyiinta si adag uga falceliyay, iyadoo sheegtay in hadallada iyo go’aannada lagu eedeeyay maamulka ay halis gelin karaan ciidamada Mareykanka iyo sumcadda dalka, isla markaana loo baahan yahay hoggaan ka taxaddar badan marka la wajahayo arrimo culus oo diblomaasiyadeed iyo militari.

Sidoo kale Ilhan Omar ayaa ku baaqday in Madaxweynaha xilka laga xayuubiyo, kadib hadallo la sheegay inuu ku hanjabay Iran, kuwaas oo la xiriiray suurtagalnimada tallaabo militari haddii aan xal laga gaarin xiisadda marin biyoodka Hormuz. Waxay sheegtay in hadallada noocan ah ay sare u qaadayaan halista dagaal iyo inay dhaawacayaan doorka Mareykanka ee diblomaasiyadda caalamiga ah.

Xiisadda la xiriirta Iran iyo marin biyoodka Hormuz ayaa sii kordhisay walaaca caalamiga ah, iyadoo marinkaas uu yahay mid muhiim u ah dhaqaalaha tamarta adduunka. Arrintan ayaa muujinaysa kala qaybsanaan siyaasadeed oo sii xoogeysaneysa gudaha Mareykanka, taas oo saameyn ku yeelan karta siyaasadda gudaha iyo xiriirka caalamiga ah labadaba.

April 13, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
  • 1
  • …
  • 44
  • 45
  • 46
  • 47
  • 48
  • …
  • 90
  • Qeybtii hore oo keliya: Harry Kane wuxuu dhigay laba rikoor kulankii PSG.

  • Markus Babbel oo ku fogaaday Salah “Wuxuu ahaa mid aad u liita sanadkan!”

  • Juventus oo u heelan helista Bernardo Silva oo ka huleelaaya Mancity

  • Liverpool, Chelsea, Tottenham, Newcastle, Aston Villa iyo Newcastle oo tartan ugu jira helista Trafford

  • Guuldarradii Arsenal ka soo gaartay Manchester City ayaa si sahlan uga qaadi karta hanashada horyaalka Premier League

  • Haaland oo aaminsan in ay ku guulaysanayaan horyaalka Premier League

  • Dhibaatada Tottenham way sii socotaa: – Hadda xaaladdu aad bay ugu adag tahay

Heemaal-News-Network-8

Wararkii u danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka. Warar la hubbo oo sal iyo raad leh, caafimaadka, cayaaraha iyo faallooyin suuban.

  • Userful Links
    • Privacy Policy
    • Terms of Use
    • Cookies
    • Data Information
    • Compliance
    • GDPR Policy
  • Categories
    • Cayaaraha
    • Caafimaadka
    • Soomaaliya
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Ganacsiga
    • Siyaasada
    • Rayiga
    • Sayninska

Latest Articles

Shirkadaha Diyaaradaha Caalamka Oo la Kulmay Shidaal La’aan
May 1, 2026
Shiinaha Oo Maanta Dhaqangeliyay in Dalalka Afrika ee Xiriirka la leh Canshuur La’aan Keeni karaan Waxsoo Saarkooda
May 1, 2026
Cutubkii ugu horeeyey Ciidanka Masar oo ku soo wajahan Somalia
May 1, 2026

@2026 – All Right Reserved. Designed and Developed by Heemaal News Network

Facebook Twitter Instagram Youtube Email
Heemaal News Network
  • Home