Heemaal News Network
  • Home
  • English News
  • Somali
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Ra’yiga
Friday, May 1, 2026
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Contact Us
  • About Us
Heemaal News Network
Heemaal Health new
Heemaal Sport new
  • Home
  • English News
  • Somali
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Ra’yiga
Login
Heemaal News Network
Heemaal Health new
Heemaal Sport new
Heemaal News Network
  • Home
  • English News
  • Somali
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Ra’yiga
Somali

Maxkamada Uganda Oo Xukun Xabsi 4 Sano ah ku Riday Wasiirad Lunsatay Jiingado Dadka Denyarta ah loogu Talagalay

by Heemaaln April 12, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Agnes Nandutu oo hore u soo noqotay wasiiru dawladihii arrimaha Karamoja ama gargaarka ee dalka Uganda ayaa lagu xukumay 4 sano oo xabsi ah iyo in aanay muddo 10 sano ah soo geli karin siyaasadda dalkaas ka dib markii lagu helay in ay lunsatay Jiingadaha guryaha lagu dhisto oo loogu tala galay dadka deegaanka ay ka soo jeedo kuwaas oo ay u adeegsatay danaheeda gaarka ah.

Dhacdadan oo dhacday sannadkii 2022-kii ayaa lagu ogaaday in haweenaydani qayb ku lahayd musuq-maasuqii xilligaas dhacay kaas oo muddo baadhis lagu wadey.

Agnes Nandutu ayaa qiratay in ay leexsatay Jingadahaas oo tiradoodu dhammayd 2 kun oo jiingadood waxayna bixisay raalli gelin iyo cafis ay waydiisatay dadkii shacabka ahaa.

2 kun oo jiingadood marka laga qiyaas qaato suuqyada Somaliland waxa ay qiime ahaan noqonayaan lacag aan gaadhaynin 30 kun oo Dollar.

April 12, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Maraykanka Oo Raadinaya Nin Somali ah Oo ka Baxsaday Maxkamad ku Eedeysay Lunsiga 11-$ Milyan

by Heemaaln April 12, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Sida ay daabaceen Warbaahinta The New York Post, Fox News, CBC news, xeer ilaalinta dalka Maraykanka gaar ahaanna gobolka Minnesota ayaa raadinaysa nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Cabdirashiiid Ismaaciil Siciid kaas oo ka baxsaday maxkmadddi toddobaadkan ballanta looga qabtay.

Ninkan oo ku eedaysan in uu lunsaday 11 Milyan oo Dollar oo ahayd lacag loogu tala galay barnaamij caafimaad oo lagu taageerayey bulshada gobolkaas ku dhaqan.

Maxkmadda oo ballan la lahayd ayuuna iman toddobaadkan waxana la tuhunsan yahay in gebi ahaanba uu dalka ka baxay isaga oo hore reerkiisa ugu soo diray qaaradda Afrika.

Xeer ilaalinta iyo waaxda garsoorka ee Minnesota ayaa dalbanaysa in la keeno ninkan xogtiisa si loogu oogo eedaha loo haysta.

Ninkan ayaa qayb ka ah eedaysaneeyaal loo haysto in ay lunsadeen lacago Balaayiin ka badan oo la leexsaday intii u dhaxaysay 2019 ilaa 2023, kuwaas oo loogu tala galay arrimaha caafimaadka, wax ka qabashada baahiyaha gaarka ah, xanuunkii Covid-19 iyo taageerada dadka danyarta ah.

Trump ayaa marar badan Warbaahinta ka sheegay in Soomaalidu lunsatay lacagihii Maraykanka isaga oo daliil ka dhiganaya arrimaha la xidhiidha musuq maasuqa ka dhacay Minnesota.

April 12, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Diyaaradaha dagaalka Turkey oo Qqaybgalay Dabaal-daga Ciidanka ee 12 April.

by Heemaaln April 12, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga kaga qayb galay munaasabadda xuska sannad guurada 66-aad ee aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hambalyo u diray dhammaan Saraakiisha, Saraakiil Xigeennada, Alifleyda, Dablayda iyo qoysaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Inta ay socotay munaasabaddu, cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay dhoollatus ay ku muujinayaan cududda iyo tayada ciidanka, cir iyo dhul, iyadoo gaadiidka gaashaamaan, Halyeeyada naftood hureyaasha ah, dabaabadaha iyo diyaaradaha dagaalka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay muujiyeen sida ay ugu diyaarsan yihiin xoreynta iyo difaaca dalka.

Saaka ayaa hawada caasimadda Muqdisho lagu arkay diyaarado dagaal oo ka qayb qaadanaya dabaal-degga, kuwaas oo muujinaya awoodda iyo horumarka Ciidanka Xoogga Dalka. Sida ay ogaatay Caasimada Online, diyaaradahaas waxaa ka mid ah nooca F-16 ee Turkiga, kuwaas oo sameeyay duulimaadyo lagu taageerayo xuska maalinta qaran.

Dadka reer Muqdisho ayaa si weyn u daawanayay bandhigga cirka, iyadoo ay muuqdeen farxad iyo xiiso ku aaddan muuqaalka diyaaradahaas iyo guud ahaan dabaal-degga ciidanka.

April 12, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

“Waa Naga Xaaraan Inaan Dilno Maxbuus..” Odayaasha G/Awdal & Salal Oo Maxaabiis la kala Waregay.

by Heemaaln April 12, 2026
written by Heemaaln 0 minutes read

April 12, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Xisbigii Kaah Oo Laga Dareeray Eedeyna loo Jeediyay Maxamuud Xaashi.

by Heemaaln April 12, 2026
written by Heemaaln 0 minutes read

April 12, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Trump: “Hormuz haddii Anaga Naloo Diiday Cid Mari karta ma Jirto”

by Heemaaln April 12, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Trump ayaa shaaca ka qaaday in uu xannibaad ku soo rogay marin-ganacsiyeedka Hormuz ee Iiraan maamusho, wuxuu sheegey in uu ciidanka badda Mareykanka faray; in ay qabtaan markabkii cashuur siiya Iiraan.

Qoraal dheer oo cusub oo uu ku daabacay Truth Social, wuxuu ku sheegay in “kulanku si wanaagsan u dhacay, inta badan qodobbadii waa lagu heshiiyey, laakiin qodobka kaliya ee runtii muhiimka ahaa, NUKLIYEERKA, lagama gaarin heshiis.”

Wuxuu sheegay in “mar uun” la gaari doono heshiis ku saabsan marin xor ah, balse “Iran ma oggolaan inay taasi dhacdo iyagoo kaliya leh, ‘Waxaa laga yaabaa in meesha ay miino ku jirto,’ taas oo aan cidna ogeyn iyaga mooyee.”

Qoraalkaas dhexdiisa, Trump wuxuu sidoo kale ku sheegay inuu “amray ciidamadeenna badda inay raadiyaan oo qabtaan markab kasta oo ku sugan biyaha caalamiga ah oo lacag marin ah siiyay Iran,” isla markaana ciidamada badda Maraykanku ay bilaabi doonaan “burburinta miinooyinka ay Iiraaniyiintu ku rideen marinnada.”

“Qof kasta oo bixiya lacag marin sharci-darro ah ma heli doono marin ammaan ah badaha caalamiga ah,” ayuu yiri, isagoo ku daray, “Iiraani kasta oo nagu soo rida rasaas, ama ku rida maraakiib nabdoon, waa la BAABI’IN doonaa!”

“Xannibaaddu dhowaan ayay bilaaban doontaa,” ayuu yiri.

April 12, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Sucuudiga Oo Shaacisay in Dib loo Holwgaliyey Dhuunta Shidaalka ee Bari ilaa Galbeed

by Heemaaln April 12, 2026
written by Heemaaln 0 minutes read

Sucuudiga ayaa qaaday tallaabo taariikhi ah oo beddeleysa gabi ahaanba wejiga dagaalka dhaqaale, Wasaaradda Tamarta Sucuudiga ayaa goor dhow shaacisay in si buuxda dib loogu holwgaliyey dhuunta Shidaalka ee Bari ilaa Galbeed (East-West Pipeline), taas oo hadda qaadeysa 7 MILYAN oo foosto maalintii.

Shidaalka Sucuudiga wuxuu hadda si nabad ah uga dhoofayaa Badda Cas, iyadoo gabi ahaanba aan loo baahneyn marinka Hormuz ee Iiraan ay xiratay, tani waa dhabar-jab weyn oo ku yimid qorshihii go’doominta tamarta ee Tehran.

Miyaa laga badbaaday dhibaatadii shidaalka, mise dhuuntan ayaa noqon doonta bartilmaameedka xiga ee milateri?

April 12, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Dowlada Somaliya oo sheegtay in Dowlad-goboleedyadu Hhelidoonaan Saamiga ugu badan dakhliga shidaalka

by Heemaaln April 12, 2026
written by Heemaaln 2 minutes read

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee dowladda federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa sheegay in dowlad-goboleedyada ay heli doonaan saamiga ugu badan ee dakhliga ka soo xarooda shidaalka, iyadoo loo marayo heshiis hore oo lagu gaaray qaybsiga khayraadka dalka.

Wasiirka ayaa tilmaamay in heshiiska “Baydhabo Agreement” ee la gaaray sanadkii 2018 uu dhigayo qaabka loo qeybsanayo kheyraadka dabiiciga ah, isagoo xusay in dowlad-goboleedyadu ay xaq u leeyihiin ilaa boqolkiiba 60 dakhliga qaar, halka dowladda federaalka ay heli karto boqolkiiba 40 tusaale ahaan, iyadoo qaabkan uu ku saleysan yahay nidaam lagu heshiiyay.

“Waxa jira wax la yiraahdo signing bonus, kaas oo dowlad-goboleedyadu ay qaataan marka heshiisyada la saxiixayo,” ayuu yiri wasiirku, isaga oo xusay in xogtaas ay tahay mid si furan loo heli karo.

Wasiir Daahir Shire wuxuu sidoo kale sheegay in qaybinta dakhliga ay gaarto heer degmo iyo deegaan, gaar ahaan meelaha laga soo saaro shidaalka, taas oo uu ku tilmaamay nidaam farsamo oo ku dhisan heshiisyo siyaasadeed oo ay gaareen hoggaamiyeyaashii hore.

Hase yeeshee, wasiirka ayaa qiray in heshiisyadaas dib loo eegi karo, isagoo xusay in ay jirto aragtiyo kala duwan oo ay soo jeediyeen mas’uuliyiin, oo ay ku jiraan qaar ka tirsan wasaaradda maaliyadda, kuwaas oo qaba in wax laga beddelo habka qaybsiga khayraadka Soomaaliya.

Marka laga hadlayo hufnaanta, ayuu wasiirku difaacay nidaamka maaliyadeed ee dalka, isaga oo sheegay in Soomaaliya ay marayso marxalad ka wanaagsan kuwii hore marka la eego isla-xisaabtanka iyo kormeerka dhaqaalaha.

“Maanta maaliyad ahaan waxaan joognaa meel ka wanaagsan sidii hore, waxaana jira nidaamyo audit iyo isla-xisaabtan shaqeynaya,” ayuu yiri, isaga oo diiday in si fudud loo qarin karo ama loo musuqmaasuqi karo dakhliga ka soo xarooda khayraadka dalka.

Si kasta ha ahaatee, hadalka wasiirka ayaa muujinaya in Dowlad Goboleedka Galmudug oo laga qodayo ceelka ugu horreeya ee shidaalka laga soo saarayo, uu yeelan doono 60% dakhliga shidaalka.

April 12, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Madaxweynaha Uganda Oo Dib u Hagaajinaya Xiriirka Iran Kadib Taageeradii Irsael Ee Wiilkiisa kasoo Yeeray

by Heemaaln April 12, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa qaaday tallaabo diblomaasiyadeed oo lagu dejinayo xiriirka dalkiisa iyo Iran, kaddib markii wiilkiisa uu hore u jeediyay hadallo hanjabaad ah oo xiisad abuuray.

Museveni ayaa kulan la yeeshay safiirka Iran u fadhiya Uganda, Majid Saffar, si ay uga wada hadlaan xoojinta iskaashiga labada dal iyo dib u soo celinta kalsoonida diblomaasiyadeed.

Xiisadda ayaa ka dhalatay hadallo ka soo yeeray Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiilka madaxweynaha isla markaana sarkaal sare oo milatari, kaas oo sheegay in Uganda ay taageeri karto Israa’iil isla markaana ay suurtagal tahay inay weerar ku qaaddo Iran.

Hadalkaasi ayaa si degdeg ah u kiciyay falcelin diblomaasiyadeed, inkasta oo dowladda Uganda aysan si rasmi ah u qaadan mowqifkaas.

Kulanka Museveni iyo safiirka Iran ayaa loo arkaa dadaal lagu doonayo in lagu qaboojiyo xaaladda, iyadoo Kampala ay muujisay inay doorbideyso wada-hadal iyo iskaashi halkii ay ka geli lahayd khilaaf militari.

Ilaa iyo hadda, ma jiro wax hadal rasmi ah oo ka soo baxay Tehran oo si toos ah uga jawaabaya arrintan, balse falanqeeyayaal ayaa sheegaya in tallaabada Museveni ay ka hortagi karto inay sii xumaato xiriirka labada dal.

April 12, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Cayaaraha

Manchester United oo xaraash iyo eryis iskugu daraysa toddoba cayaartoy

by Heemaal April 12, 2026
written by Heemaal 1 minutes read

HS: Manchester United waxay qorsheyneysaa dib-u-dhis weyn xagaaga, iyadoo tababarayaasha iyo maamulka ay qiimeynayaan kooxda si loo ogaado meelaha u baahan hagaajin. Michael Carrick wuxuu helay waqti uu ku eego ciyaartoyda, balse go’aamada kama dambaysta ah waxaa sidoo kale saameyn ku leh maamulka sare sida Christopher Vivell iyo Jason Wilcox. Mudnaanta ugu weyn waa in la helo khad dhexe difaac ah oo beddela Casemiro, iyo sidoo kale in la xoojiyo daafacyada garbaha.

Kooxdu waxay hore u bixisay lacag badan sanadihii la soo dhaafay, sidaas darteed si ay u hesho dhaqaale cusub, waxay u baahan tahay inay iibiso qaar ka mid ah ciyaartoyda. Qaar ka mid ah ciyaartoyda sida Jadon Sancho, Tyrell Malacia, iyo Casemiro ayaa baxaya marka qandaraasyadoodu dhammaadaan, inkastoo aysan lacag soo galin doonin, haddana waxay yareynayaan mushaharka.

Ciyaartoyda sida Mason Mount ayaa ku guuldareystay inay noqdaan kuwo joogto ah sababo la xiriira dhaawacyo badan iyo waxqabad hoose, taasoo ka dhigeysa mid aan lagu tiirsanaan karin. Manuel Ugarte isna ma helin boos joogto ah, isagoo xitaa kalsooni ka waayay tababarayaashii kala duwanaa, inkastoo markii hore loo keenay inuu beddelo Casemiro.

Dhanka kale, Rasmus Hojlund ayaa si fiican uga soo muuqday Napoli kadib markii uu ka tagay United, isagoo noqday weeraryahan wax ku ool ah oo goolal badan dhaliyay. Napoli waxay qorsheyneysaa inay si rasmi ah ula wareegto haddii ay u soo baxdo UEFA Champions League, taasoo u muuqata mid aad u dhow.

Guud ahaan, United waxay u baahan tahay inay iibiso dhowr ciyaaryahan si ay u hesho lacag ku filan oo ay ku dhisto koox cusub oo tartan geli karta, maadaama qaar ka mid ah ciyaartoydii la filayay aysan buuxin heerkii laga rabay.

Heemaal Sport.

April 12, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
  • 1
  • …
  • 46
  • 47
  • 48
  • 49
  • 50
  • …
  • 90
  • Qeybtii hore oo keliya: Harry Kane wuxuu dhigay laba rikoor kulankii PSG.

  • Markus Babbel oo ku fogaaday Salah “Wuxuu ahaa mid aad u liita sanadkan!”

  • Juventus oo u heelan helista Bernardo Silva oo ka huleelaaya Mancity

  • Liverpool, Chelsea, Tottenham, Newcastle, Aston Villa iyo Newcastle oo tartan ugu jira helista Trafford

  • Guuldarradii Arsenal ka soo gaartay Manchester City ayaa si sahlan uga qaadi karta hanashada horyaalka Premier League

  • Haaland oo aaminsan in ay ku guulaysanayaan horyaalka Premier League

  • Dhibaatada Tottenham way sii socotaa: – Hadda xaaladdu aad bay ugu adag tahay

Heemaal-News-Network-8

Wararkii u danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka. Warar la hubbo oo sal iyo raad leh, caafimaadka, cayaaraha iyo faallooyin suuban.

  • Userful Links
    • Privacy Policy
    • Terms of Use
    • Cookies
    • Data Information
    • Compliance
    • GDPR Policy
  • Categories
    • Cayaaraha
    • Caafimaadka
    • Soomaaliya
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Ganacsiga
    • Siyaasada
    • Rayiga
    • Sayninska

Latest Articles

Fursadaha uu Trump ku guuleysan karo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel 2026 oo si weyn u kordhay.
May 1, 2026
Spotify oo shaandhayn bilaabaysa toddobaadka danbe si loo xakameeyo (KI)
May 1, 2026
Warbaahinta caalamiga ah ayaa dalbanaysa in loo oggolaado gelitaanka Gaza
May 1, 2026

@2026 – All Right Reserved. Designed and Developed by Heemaal News Network

Facebook Twitter Instagram Youtube Email
Heemaal News Network
  • Home