Heemaal News Network
  • Home
  • English News
  • Somali
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Ra’yiga
Tuesday, May 5, 2026
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Contact Us
  • About Us
Heemaal News Network
Heemaal Health new
Heemaal Sport new
  • Home
  • English News
  • Somali
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Ra’yiga
Login
Heemaal News Network
Heemaal Health new
Heemaal Sport new
Heemaal News Network
  • Home
  • English News
  • Somali
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Ra’yiga
Somali

Duqeymo iyo Dagaalo Wali ka Socda Lubnaan

by Heemaaln April 14, 2026
written by Heemaaln 0 minutes read

Dagaallo u dhexeeya ciidamada Israel iyo kooxda Hezbollah ee gudaha Lebanon ayaa wali socda, inkastoo ay socdaan wada-hadallo ka dhacaya Washington, D.C.

Bayaan ay soo saareen ciidamada Israel ayaa lagu sheegay inay 24-kii saac ee la soo dhaafay duqeeyeen qiyaastii 150 bartilmaameed oo ay sheegeen “goobo Hezbollah leedahay” oo ku yaalla koonfurta Lubnaan.

Dhanka kale, Hezbollah ayaa soo saartay bayaano dhowr ah oo ay ku sheegtay inay gantaallo ku weerartay Israel.

Sawirro laga qaaday koonfurta Lubnaan subaxnimadii Talaadada ayaa muujinaya meelaha ay ka dhaceen duqeymaha cirka ee Israel.

April 14, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Iiraan oo Dalalka Carabta ka Dalbatay Magdhow iyo Sababta

by Heemaaln April 14, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Iran ayaa bilaabtay qiimeyn ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalka, taas oo qayb ka ah dadaal ay ku doonayso in magdhow lagu daro wada-hadallada socda.

Ergeyga Iran u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa si rasmi ah warqad ugu gudbiyay Xoghayaha Guud Antonio Guterres, isaga oo dalbanaya in Iran la siiyo magdhow ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalladii u dambeeyay ee dalkaasi saameeyay.

Sida ay baahisay IRNA, safiirka Iran ee Qaramada Midoobay Amir Saeed Ervani ayaa warqaddiisa ku sheegay in shan dal oo carab ah ay si cad u jebiyeen waajibaadkoodii caalamiga ahaa ee ku aaddanaa ilaalinta madaxbannaanida iyo amniga Iran. Wuxuu xusay in ficilladaasi ay keeneen khasaare baaxad leh oo isugu jira mid dhaqaale, mid kaabayaal, iyo mid bani’aadamnimo.

Warqadda ayaa sidoo kale carrabka ku adkeysay in marka la eego sharciga caalamiga ah, dalalkaas ay leeyihiin mas’uuliyad buuxda oo ku saabsan wixii waxyeello ah ee ay geysteen, isla markaana looga baahan yahay inay bixiyaan magdhow dhamaystiran. Iran ayaa ku dooday in tallaabooyinkaasi ay ahaayeen kuwo ka hor imanaya mabaadi’da aasaasiga ah ee nidaamka caalamiga ah, gaar ahaan kuwa la xiriira xushmeynta madaxbannaanida dalalka iyo ka fogaanshaha faragelinta militari.

Arrintan ayaa imaneysa xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa militari ee gobolka, iyadoo Iran ay u muuqato inay dooneyso inay arrintan u gudbiso heer caalami ah si cadaadis sharci iyo mid diblomaasiyadeed loogu saaro dalalka ay eedeysay. Ilaa iyo hadda, ma jirto wax jawaab rasmi ah oo ka soo baxay Xafiiska Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

April 14, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Beesha Sacad Muuse Oo Go,aan kasoo Saaray Cidda Leh Kursiga Mayarka Hargeysa Ee La Filayo Inuu Mayer Mooge Baneeyo.

by Heemaaln April 14, 2026
written by Heemaaln 0 minutes read

April 14, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Xildhibaan Maxamed Abiib iyo Khudbadii Madaxweynaha

by Heemaaln April 14, 2026
written by Heemaaln 0 minutes read

April 14, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Afar Markab Oo Ay Leedahay Iran Oo ka Gudbay Marinka Hormuz.

by Heemaaln April 14, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Markabkii 3aad oo ay leedahay Iran ayaa galay Marinka Hormuz, waxaa uu ku sii jeedaa Dekadda Xamriyah ee dalka isutagga Imaaraadka Carabta.

Xogta raadraaca maraakiibta ayaa muujineysa in afar markab oo lala xiriirinayo Iran ay ka gudbeen marinka Hormuz, inkastoo Laba ka mid ah maraakiibtaas ayaa gaareen dekedo ku yaalla Iran sida ay muujinayso xogta MarineTraffic.

Xogtu waxay tilmaamaysaa in markab xamuul qaada oo lagu magacaabo Christianna uu ka gudbay marinka Isniintii, kadib markii uu ka baxay dekedda Bandar Imam Khomeini.

Tan iyo markii uu TRUMP amray in Marinka Hormuz xiranyahay ma jiro wax caqabad ah oo ay la kulmeen Maraakiibta Iran.

Ruushka iyo Shiinaha ayaa ku hanjabay in haddii Maraakiibtooda shidaalka iyo madeecadaha u kala gooshiya Iran la waxyeelleeyo ay u qaadanayaan weerar ka dhan ah madaxbanaanidooda.

April 14, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

“In Dastuurka La Furo Saamiga Awdal Ayay Wax Ka Badalaysaa.” Gudoomiye Cali Xamud Jibril

by Heemaaln April 14, 2026
written by Heemaaln 0 minutes read

April 14, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Qatar oo Beenisay inay Iran Lacag ku Siisay Joojinta Weeraradda.

by Heemaaln April 14, 2026
written by Heemaaln 0 minutes read

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar, Majid Al-Ansari, ayaa si cad u beeniyay inay Iran kala hadashay inay lacag ku siinayso joojinta weerarro la sheegay inay Iran ku qaadayso dalkaas, sida ay sheegtay Reuters.

Afhayeenka ayaa ku adkeystay in dhammaan wararka arrintaas la xiriira ay yihiin kuwo aan sal lahayn, islamarkaasi-na dalabaadka Qadar la mariyo waddo dibulamaasi oo uu dalku la leeyahay Pakistaan iyo Maraykanka.

Al-Ansari ayaa sidoo kale shir jaraa’id ku sheegay: “Waxaa jira heer sare oo iskaashi ah oo aan la leenahay Pakistan iyo Mareykanka, waxaana dalabaadkayaga lagu gudbiyaa marinnadaas.”

April 14, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Madaxweynaha Iran:Talaabada Militari waxay Uga sii Dari-doontaa Dhibta Uu Abuuray Mareykanka,

by Heemaaln April 14, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa sheegay in Iran ay diyaar u tahay inay sii waddo wada-hadallada nabadda, isla markaana diblomaasiyaddu ay tahay waddada ay doorbidayso ee lagu xallinayo khilaafaadka.

Tani waxay timid kadib wada hadal uu la yeeshay Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, sida ay sheegtay warbaahinta Iran.

Pezeshkian ayaa la sheegay inuu Macron u sheegay in hanjabaadaha, cadaadiska iyo ficillada milatari ay yihiin kuwa “aan waxtar lahayn” isla markaana ay sii xumeyn doonaan “dhibaatooyinka uu Maraykanku iskiis u abuuray.”

Wuxuu sidoo kale ku daray in Yurub ay tahay inay ku dhiirrigeliso Maraykanka inuu u hoggaansamo sharciyada iyo xeerarka caalamiga ah.

April 14, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Shiinaha Oo ku Hanjabtay inuu Qaadi doono Tallaabooyin ka dhan ah Mareykanka

by Heemaaln April 14, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Shiinaha ayaa ku hanjabtay inuu qaadi doono tallaabooyin ka dhan ah Mareykanka , haddii Mareykanka uu sii wado kordhinta canshuuraha lagu soo rogo Shiinaha, iyadoo ay Beijing sheegtay inay ku saleysan tahay warar been ah oo sheegaya inay taageero militari siisay Iiraan.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha, Guo Jiakun ayaa sheegay in wararka sheegaya in Shiinaha uu qorsheynayo inuu Iran siiyo nidaamyo cusub oo difaaca hawada ah ay yihiin kuwo gebi ahaanba been abuur.

Wararkaas ayaa keenay in Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ku hanjabo inuu ku soo rogi doono canshuur dhan 50% alaabaha Shiinaha haddii ay bixiso taageero milatari oo Tehran ah.

Haddii Mareykanku uu ku sii socdo kordhinta canshuuraha isagoo ku saleynaya eedeymahan, Shiinuhu wuxuu qaadi doonaa tallaabooyin jawaab ah.

Shiinaha mar walba si taxaddar leh oo masuuliyad leh ayuu u maamulaa dhoofinta qalabka militari, wuxuuna si adag u raacaa sharciyadiisa gudaha iyo waajibaadkiisa caalamiga ah.”

April 14, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Talyaaniga oo Joojiyay Heshiiskii Difaaca Ee ay kula Jirtay Israa’iil Iyo Israel Oo Beenisay Jiritaanka Heshiiskaasi.

by Heemaaln April 14, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa sheegtay inay hakineyso heshiiskii difaaca ee u dhexeeyay Talyaaniga iyo Israa’iil, kaas oo ku saabsanaa is-weydaarsiga qalabka militari iyo cilmi-baarista tiknoolajiyada.

“Anagoo eegayna xaaladda hadda jirta, dawladdu waxay go’aansatay inay joojiso dib-u-cusboonaysiinta tooska ah ee heshiiska difaaca ee ay la leedahay Israa’iil,” ayay Meloni ka sheegtay shir ka dhacay magaalada Verona ee waqooyiga Talyaaniga,sida ay baahiyeen wakaaladaha wararka Talyaaniga ee ANSA iyo AGI.

Meloni ayaa sidoo kale sheegtay in “dadaal kasta oo suuragal ah” la sameeyo si dib loogu furo marin-biyoodka Hormuz.,

Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha dibadda Israel ayaa beeniyay inuu jiray heshiis difaac oo ay la la haayeen dawlada Talyaaniga waxuuna yiri

“Majiro wax heshiis amni ah oo dhex yaalla Israel iyo Talyaaniga, waxaa ay tixraacayaan isfaham (MOU), sanado badan ka hor na dhexmaray, waligiis ma noqon heshiis dhab ah.”

Sikastaba ha noqotee arintan talyaaniga ku dhawaaqay ayaa ku soo beegmaysa xili ay Israel duqayn culus ku hayso dalka Lubnaan iyadoo ay siddoo kale wali taagan tahay xaaladda marin-biyoodka Hormuz

April 14, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
  • 1
  • …
  • 48
  • 49
  • 50
  • 51
  • 52
  • …
  • 97
  • Arteta oo quus taagan, hanjabaadla’aana maanta kaga baxay waraysigiisii

  • Qeybtii hore oo keliya: Harry Kane wuxuu dhigay laba rikoor kulankii PSG.

  • Markus Babbel oo ku fogaaday Salah “Wuxuu ahaa mid aad u liita sanadkan!”

  • Juventus oo u heelan helista Bernardo Silva oo ka huleelaaya Mancity

  • Liverpool, Chelsea, Tottenham, Newcastle, Aston Villa iyo Newcastle oo tartan ugu jira helista Trafford

  • Guuldarradii Arsenal ka soo gaartay Manchester City ayaa si sahlan uga qaadi karta hanashada horyaalka Premier League

  • Haaland oo aaminsan in ay ku guulaysanayaan horyaalka Premier League

Heemaal-News-Network-8

Wararkii u danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka. Warar la hubbo oo sal iyo raad leh, caafimaadka, cayaaraha iyo faallooyin suuban.

  • Userful Links
    • Privacy Policy
    • Terms of Use
    • Cookies
    • Data Information
    • Compliance
    • GDPR Policy
  • Categories
    • Cayaaraha
    • Caafimaadka
    • Soomaaliya
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Ganacsiga
    • Siyaasada
    • Rayiga
    • Sayninska

Latest Articles

Iran Oo ka Hadashay Weerar ay Caawa ku Qaaday Imaaraadka Carabta
May 5, 2026
Donald Trump Oo 24 saacadood u Qabtay Iran.
May 4, 2026
Netanyahu Oo Kulan Amni la Qaatay Saraakiil Israa’iili Amrayna In loo Diyaa-garoobo Dagaal Iran ka Dhan ah
May 4, 2026

@2026 – All Right Reserved. Designed and Developed by Heemaal News Network

Facebook Twitter Instagram Youtube Email
Heemaal News Network
  • Home