Heemaal News Network
  • Home
  • English News
  • Somali
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Ra’yiga
Friday, May 1, 2026
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Contact Us
  • About Us
Heemaal News Network
Heemaal Health new
Heemaal Sport new
  • Home
  • English News
  • Somali
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Ra’yiga
Login
Heemaal News Network
Heemaal Health new
Heemaal Sport new
Heemaal News Network
  • Home
  • English News
  • Somali
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Ra’yiga
Somali

Putin, Trump Oo Guul-darro kala kulmay Markii Xilka Laga Tuuray R/Wasaraha Hungary

by Heemaaln April 12, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Putin, Trump iyo Netanyahu ayaa hal mar guul-darro kala kulmay Yurub, ka dib markii maanta xukunka laga tuuray hoggaamiyihii xiriirka ugu weyn ay la lahaayeen dalka Hungary ee Viktor Orbán oo guul-darro xanuun badan kala kulmay doorashadii ka dhacday Hungary.

Viktor Orbán, wuxuu xukunka hayay ku dhawaad 20 sanno, wuxuu ahaa mid dhuunta u galay Yurub oo si xadka ka baxsan u taageerrayay siyaasadda Puntin , Trump iyo Netanyahu, illaa Midowga Yurub uu gaaray heer ay yiraahdaan, meel uu ku suganyahay Viktor Orbán , yaan looga hadlin wax sir ah, sababtoo ah waxay ku eedeeyeen isla markiiba xogtaa inuu u gudbinayo Putin.

Wuxuu ahaa mid aan waligii dhaleeceyn duullaanka Ruushka ee Ukraine, wuxuu sidoo kale codka qayaxan u adeegsaday marar kale duwan go’aamo ay Midowga Yurub doonayeen inay ku cunaqabateeyaan Israa’iil, wuuxuna marar kale duwan booqday Ruushka, halka uu ahaa qofka xiriirka ugu dhow ee Yurubiyaanka ah la leh Trump.

Toddobaadkan, Trump ayaa ku-xigeenkiisa JD Vance u diray Hungary, si uu u taageerro oo garab istaag ugu muujinayo Viktor Orbán, oo ku jiray ololaha doorashada, balse taageerradaa waxba ma soo kordhin ee waxay xoojisay guul darrada Orban.

20 sanno ka dib, hadda xilka ra’iisul wasaaraha Hungary, waxaa loo doortay Péter Magyar, oo ah hoggaamiye dhex dhexaad u janjeera Yurub ah oo ka soo horjeeda siyaasadda dhinacyada uu Orban taageersanaa, waa keliya 45 jir hoggaamiya xisbiga Tisza, oo hadda doorashada ka helay 135 kursi, halka Orban oo laga guuleystay iyo xisbigiisa Fidesz ay heleen keliya 57 kursi , taasoo ka dhigan inay lumiyeen aqlabiyada.

Doorashadan markiiba loo arkay isbeddel weyn oo ka dhacay Yurub, waxaa soo dhaweeyay oo qodox ka baxday wadnaha Yurub ku sheegay hoggaanka Midowga Yurub, halka Viktor Orbán uu aqbalay natiijada doorashada isagoo la xiriiray una hambalyeeyay hoggaamiyaha cusub Péter Magyar.

April 12, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Ugu yaraan 100 Qof Oo ku Dhintay Weerar Lagu Qaaday Suuq Ku Yaalla Nigeria.

by Heemaaln April 12, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Ugu yaraan 100 Qof, ayaa la r7maydan yahay Inay ku dhinteeen, Halka 35 kalena ay ku dhaawacmeen weerar la sheegay inay diyaaradaha milatariga Nigeria ay ku duqeeyeen suuq ku yaalla tuulo,l ku Taalla dalkaasi, iyaga oo sheegay inay daba joogeen ama baacsanayeen, xubno ka tirsan kooxda fallaagada ah ee Boko Xaram ee waqooyi-bari dalka, sida uu sheegay masuul maxalli ah iyo urur caalami ah oo u dooda xuquuqda aadanaha.

Amnesty International ayaa ku sheegtay qoraal ay baraha bulshada ku daabacday in maanta in ka badan 100 qof ay ku dhinteen halka 35 kalena ay ku dhaawacmeen weerarkaasi dhacay.

Source Al-jazeera

April 12, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Cumaan Oo Baaq Cusub kasoo saartay Xaalada Cakiran Ee Maraykanka Iyo Iran.

by Heemaaln April 12, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Wasiirka arrimaha dibadda Cumaan Badr Albusaidi, ayaa ku baaqay in la koridho xabbad-joojinta si ogolaado inay sii socdaan wadahadallada Maraykanka iyo Iiraan.

Madaxweyne Donald Trump ayaa ku dhawaaqay habeenimadii tallaadada xabbad-joojin laba toddobaad ah. sharuuradaha waxaa ka mid aha ain Marinka Hormuz loo furo si deg deg ah.

Cumaan, ayaa ahayd dhexdhexaadiye wadahadalladii Nukliyeerka ee u dhaxeeyey labada dhinac ka hor inta uusan qarxin dagalka 28-dii Febraayo.

Albusaidi ayaa xilli hore oo galabnimadii ahayd soo dhigay qoraal bartiisa X, markaas

Albusaidi ayaa galabnimadii hore ee maanta qoraal uu soo dhigay barta X ku sheegay in markii uu la kulmay Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka JD Vance “saacado uun ka hor int aanu dagaalku bilaaban, aan ka qaatay aragti ah in isaga iyo Madaxweynuhub ay si dhab ah oo xooggan u doorbidayaan inay ka fogaadaan lug ku yeelashada dagaalka.”

“Sidaas darteed, waxaan ku baaqayaa in xabbad-joojinta la kordhiyo, wadahadalladuna ay sii socdaan. Guushu waxay u baahan kartaa in qof kastaa sameeyo tanaasul xanuun badan, laakiin taasi waxba ma aha marka la barbardhigo xanuunka guul-darrada iyo dagaalka,” ayuu yiri.

April 12, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Trump Oo Sheegay In Iran ay Miiska Wada-hadalka kusoo Noqonayso ayna Na-siiso Wax walba oo aan Rabno.

by Heemaaln April 12, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Donald Trump ayaa sheegay in Iran ay ku soo laaban doonto miiska wada xaajoodka islamarkaana ay na siin doonto wax walba oo aan rabno”.

Trump oo waraysi siiyay Fox News Sunday Morning Futures, ayaa waxa uu sheegay in gorgortanka Mareykanka ay heleen “wax walba oo aan u baahannahay, marka laga reebo xaqiiqda ah inay diideen inay ka tanaasulaan hammigooda nukliyeerka”.

Waxa uu sheegay in Iran aysan “ka bixin miiska gorgortanka”.

“Waxaan saadaaliyay inay soo laaban doonaan, waxayna na siinayaan wax walba oo aan rabno,” ayuu yiri.

Inta lagu jiro daqiiqad kale oo wareysiga, Trump wuxuu ugu hanjabay Shiinaha 50% canshuur haddii uu caawiyo militariga Iran. Waxa uu sidoo kale sheegay in qiimaha saliidda iyo gaaska uu ugu dambeyntii hoos u dhici doono colaadda ka dib.

April 12, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Iran Oo si Adag Uga Jawaabtay Hanjabaad kasoo Yeertay Trump

by Heemaaln April 12, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Afayeenka Baarlamanka Iiraan Mohammad Bagher Ghalibaf ayaa jawaab adag ka bixiyay hadal hanjabaad ah oo kasoo yeeray madaxwayne Trump waxuuna yiri. “Hadii Mareykanku markale isku dayo inuu na tijaabiyo, waxaan siin doonaa duruus ka wayn kii hore.”

Trump ayaa caawa ku hanjabay inuu hal maalin ku bur-buri karo taliska islaamiyiinta Irana wuxuu yidhi Iiraan waxaan ku baabi’in karnaa hal maalin oo kaliya.

Dhinaca kale Ciidanka Iiraan ayaa ku hanjabay iney bixin doonaan jawaab daran hadii Markab dagaal uu kusoo dhawaado gacanka Hormus, sida ay ku warantay Warbaahinta Tasnim.

Ciidanka Iiraan ayaa yidhi “Sabab kasta ha noqoto, hadii Markab dagaal uu usoo dhawaado gacanka Hormus, waxaan u arki doonaan inuu jabinayo xabad joojinta waxaana u jawaabi doonaa si adag.”

April 12, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Musharixii Madaxwayne Geele kula Tartamay Doorashada Madaxtinimada Jabuuri Oo War soo Saaray

by Heemaaln April 12, 2026
written by Heemaaln 0 minutes read

Musharixii madaxweyne ee doorashada madaxtooyada ee Djibouti ka dhacday ee codadkii la dhiibtay ka helay 3%, Maxamed Faarax Samatar, ayaa ku tilmaamey doorashadaas mid si hufan u dhacday oo dimuqraadi ahady.

Waxa uu hambalyo u direy madaxweynaha la doortay ee kaga guuleystay 97%, ee Ismail Omar Gelleh.

April 12, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Nin Qarsoodi ku Galay Garoonka Ireland Oo Khasaaro Gaarsiiyay Diyaaradaha Dagaalka Ee Maraykanka Oo Halkaasi Yaalay

by Heemaaln April 12, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Wararka ka imanaya Shannon Airport ee Ireland ayaa dhacdo lama filaan ah oo si weyn u kicisay xaalka ammaanka ee garoonka, kadib markii nin si qarsoodi ah uga gudbay xayndaabka garoonka, una dhaqaaqay meel ay yaalleen diyaaradaha militari.

Ninkan, oo la sheegay inuu ku jiray da’ dhexe, ayaa fuulay baalka diyaarad militari oo Mareykan ah oo halkaas taallay, ka hor inta uusan ku bilaabin weerar uu faas u adeegsaday wuxuuna si toos ah u beegsaday jirka iyo baalka diyaaradda, isagoo sababay burbur muuqda.

Muddo kooban, garoonka diyaaradaha ayaa la hakiyay, iyadoo ciidamada ammaanka oo ay ku jiraan booliska Ireland ay si degdeg ah u soo farageliyeen, ugu dambeyntiina gacanta ku dhigeen eedeysanaha.

Dhacdadan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sida ay u fududaatay in hal qof uu jebiyo nidaamka ilaalinta ee garoon caalami ah.

April 12, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Ciidamada Iran Oo Sheegay inay Maraakiibta Ganacsiga u Fureen Marinka Hormuz Marka Laga Reebo

by Heemaaln April 12, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Ciidamada Ilaaladda Kacaanka Iran ayaa ku dhawaaqay in Marinka Hormuz wixii hadda ka dambeeya uu furan yahay, isla markaana Maraakiibta xamuulka sida ay mari karaan haddii ay buuxiyaan shuruudo gaar ah oo ay dajiyeen.

Shuruudaha ay Ilaaladda Kacaanku ku xireen maraakiibta maraysa Hormuz waxaa ka mid ah; in maraakiibtu aysan ahayn kuwo ciidan, sidoo kalena aysan u rarnayn dalal ay Iran colaad kala dhexayso.

Dhanka kale, Iran waxay maraakiibta ka qaadaysaa khidmad, taasoo warbaahintu sheegtay in lagu qiyaasay $1 foostadii shidaal ahba. Taasoo ka dhigan in markabka sida 2 milyan oo foosto oo shidaal ah uu bixinayo lacag dhan $2 milyan oo doollar.

Dhinaciisa, Donald Trump oo ka gadoodsan in Iran ay diiday inay lacagtan wada qaybsadaan, ayaa saacad ka hor sheegay inuu isaguna isbaaro dhigan doono afaafka hore ee Hormuz!

April 12, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Madaxweyne Xassan Shiikh Oo Xariga ka jaray Xarunta Taakulaynta Ciidanka.(Sawirro)

by Heemaaln April 12, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray dhismooyin cusub oo ay leeyihiin Taliska Taakuleynta iyo Hoggaanka War Isgaarsiinta ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Dhismayaashan ayaa qeyb ka ah qorshe ballaaran oo lagu dib u dhisayo kaabeyaasha muhiimka u ah ciidamada, si kor loogu qaado hufnaanta maamulka, isku-duwidda iyo taageerada howlgalada amniga.

Madaxweynaha ayaa kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee xarumahan cusub, isagoo si gaar ah u tilmaamay in ay door weyn ka qaadan doonaan xoojinta awoodda ciidanka, gaar ahaan dhinacyada sahayda, isku xirka howlgalada, maamulka xogta iyo wada xiriirka. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in horumarinta dhinacyadan ay muhiim u tahay guusha howlgalada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhagax dhigay Xarunta Daryeelka Agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, taasoo loogu talagalay in lagu daryeelo carruurta ay ka tageen halyeeyadii naftooda u huray difaaca dalka. Tallaabadan ayaa loo arkaa mid muujinaysa daryeelka dowladda ee qoysaska ciidamada iyo qiimeynta doorka ay ka qaateen difaaca qaranka.

Xarunta daryeelka agoonta ayaa la qorsheeyay inay bixiso adeegyo dhameystiran oo ay ka mid yihiin waxbarasho tayo leh, hoy ku habboon nolosha carruurta, iyo barbaarin dhameystiran oo ka caawinaysa inay yeeshaan mustaqbal wanaagsan. Ujeeddadu waa in la hubiyo in ubadka ay ka tageen halyeeyada qaranka aysan dareemin dayac, balse ay helaan fursado nololeed oo u dhigma kaalinta ay waalidkood ka qaateen difaaca dalka.

Ugu dambeyn, tallaabooyinkan ayaa muujinaya dadaalka dowladda ee ku aaddan dib u dhiska iyo casriyeynta ciidamada qalabka sida, iyadoo la xoojinayo awooddooda howlgal iyo sidoo kale daryeelka bulshada ku xiran, si loo gaaro amni waara iyo dowladnimo xooggan.

April 12, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Cayaaraha

Dhibaatada Tottenham way sii socotaa: – Hadda xaaladdu aad bay ugu adag tahay

by Heemaal April 12, 2026
written by Heemaal 2 minutes read

HS: Kooxdu waxay wajahaysaa suurtagalnimada hoos u dhicii ugu horreeyay muddo 49 sano ah.

Guuldarradii 0–1 ee ay kala kulmeen Sunderland ayaa Tottenham sii gelisay xaalad adag oo ka jirta Premier League. Hadda halista hoos u dhacu waa mid muuqata, Spurs weli ma aysan guuleysan hal kulan oo horyaalka ah sanadkan 2026.

Iyadoo ay harsan yihiin lix kulan, Tottenham waxay ku jirtaa kaalinta saddexaad ee ugu hooseysa  laba dhibcood ayay ka dambaysaa West Ham.

Ciyaaryahankii hore ee Tottenham, Jamie O’Hara, ayaa si adag u dhaliilay kooxda intii ciyaartu socotay.

Maxaan daawanayaa? Waxaa jiray bandhigyo aad u liita oo ka yimid ciyaartoyda Tottenham. Waxay ku jiraan dhibaato weyn, ayuu yiri isagoo la hadlay Sky Sports.

Hadda xaaladdu aad bay ugu xun tahay Tottenham, ayuu yiri weriyaha Viaplay Andreas Toft, markii Nordi Mukiele uu hoggaanka siiyay kooxda guriga ku ciyaaraysay.

Saacad ciyaarta laga joogay, Mukiele ayaa ka gudbay Conor Gallagher, wuxuuna kubbadda u mariyay Micky van de Ven, taas oo ugu dambeyn gashay goolka iyadoo ka dambeysa goolhayaha Antonín Kinský. Goolkaas wuxuu yimid kaddib cadaadis joogto ah oo ay Sunderland saartay. Wax yar kadib, xaaladda ayaa sii xumaatay kooxda Tottenham. Cristian Romero ayaa dhaawac ku baxay, wuxuuna garoonka kaga baxay isagoo ooyaya.

Kulankan wuxuu ahaa kii ugu horreeyay ee Roberto De Zerbi uu maamulo Tottenham, isagoo ah tababaraha saddexaad ee kooxda xilli ciyaareedkan.

Kahor ciyaarta, khabiirka BBC ee kubadda cagta, Phil McNulty, ayaa yiri:

Waa inuu kooxda ka dhigo kuwo guuldarrooyinka ka gudba oo noqda guuleystayaal, waana inuu sidaas sameeyaa si degdeg ah.

Laakiin taas kuma uusan guuleysan kulankiisii ugu horreeyay.

Si kastaba, natiijadu way ka duwanaan kartay. Tottenham waxaa la siiyay rigoore qeybtii hore markii Kolo Muani lagu riday xerada Sunderland, balse kadib hubinta VAR, garsooraha Robert Jones ayaa go’aanka beddelay oo rigoore lama siin. Waa sax in go’aankaas la beddelo, ayuu yiri falanqeeye Nils Johan Semb.

Guuldarradani waxay ka dhigan tahay in Tottenham ay weli ku jirto meelaha hoos u dhaca ee Premier League, taasoo keeni karta hoos u dhacii ugu horreeyay muddo 49 sano ah.

Heemaal Soprt.

April 12, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
  • 1
  • …
  • 45
  • 46
  • 47
  • 48
  • 49
  • …
  • 90
  • Qeybtii hore oo keliya: Harry Kane wuxuu dhigay laba rikoor kulankii PSG.

  • Markus Babbel oo ku fogaaday Salah “Wuxuu ahaa mid aad u liita sanadkan!”

  • Juventus oo u heelan helista Bernardo Silva oo ka huleelaaya Mancity

  • Liverpool, Chelsea, Tottenham, Newcastle, Aston Villa iyo Newcastle oo tartan ugu jira helista Trafford

  • Guuldarradii Arsenal ka soo gaartay Manchester City ayaa si sahlan uga qaadi karta hanashada horyaalka Premier League

  • Haaland oo aaminsan in ay ku guulaysanayaan horyaalka Premier League

  • Dhibaatada Tottenham way sii socotaa: – Hadda xaaladdu aad bay ugu adag tahay

Heemaal-News-Network-8

Wararkii u danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka. Warar la hubbo oo sal iyo raad leh, caafimaadka, cayaaraha iyo faallooyin suuban.

  • Userful Links
    • Privacy Policy
    • Terms of Use
    • Cookies
    • Data Information
    • Compliance
    • GDPR Policy
  • Categories
    • Cayaaraha
    • Caafimaadka
    • Soomaaliya
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Ganacsiga
    • Siyaasada
    • Rayiga
    • Sayninska

Latest Articles

Fursadaha uu Trump ku guuleysan karo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel 2026 oo si weyn u kordhay.
May 1, 2026
Spotify oo shaandhayn bilaabaysa toddobaadka danbe si loo xakameeyo (KI)
May 1, 2026
Warbaahinta caalamiga ah ayaa dalbanaysa in loo oggolaado gelitaanka Gaza
May 1, 2026

@2026 – All Right Reserved. Designed and Developed by Heemaal News Network

Facebook Twitter Instagram Youtube Email
Heemaal News Network
  • Home