Heemaal News Network
  • Home
  • English News
  • Somali
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Ra’yiga
Sunday, May 3, 2026
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Contact Us
  • About Us
Heemaal News Network
Heemaal Health new
Heemaal Sport new
  • Home
  • English News
  • Somali
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Ra’yiga
Login
Heemaal News Network
Heemaal Health new
Heemaal Sport new
Heemaal News Network
  • Home
  • English News
  • Somali
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Ra’yiga
Somali

Iiraan Oo si Rasmi ah Ugu Dhawaaqday inay Xireyso Badda Cas illaa Gacanka Cumaan

by Heemaaln April 15, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Iiraan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay xireyso oo ay ka hortagayso wax maraakiib ganacsi ah inay maraan Badda Cas illaa Gacanka Cumaan , haddii Mareykanka uu sii wado qorshaha uu isku dayayo inuu go’doomiyo dekedaha Iiraan, sida uu shaaciyay taliyaha xarunta taliska guud ee Khaatam al-Anbiya ee ciidanka Iiraan, Ali Abdollahi Aliabadi.

Trump,isagoo ka dab qaadanaya Netanyahu wuxuu dunidda u sheegay inuu ka hortagayo khatarta Iiraan oo dhibaato taagan joojinayo, balse go’aanka Trump wuxuu dhaliyay dhibaatooyin aan horey u jirin,laga billaabo xirnaashaha Hormuz oo saameysay dunidda oo dhan iyo hanjabaada Iiraan ka soo baxaysa ee Badda Cas iyo Gacanta Cumaan, taa oo haddii ay dhacdo burbur dhaqaale iyo sicir barar aan horey loo arag dunidda dhexda u galinaysa.

Ku sii dhex jirka dagaalkan, wuxuu daqiiqad kasta sare u qaadayaa Trump oo luminaya saameyntiisa iyo Iiraan oo sare u qaadaysa kaararkeeda cadaadiska caalamiga ah.

April 15, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Arday Iyo Macalimiin Lagu Laayey Toogasho ka Dhacday Iskuul ku Yaala Turkey(Sawirro)

by Heemaaln April 15, 2026
written by Heemaaln 2 minutes read

Wararka ka imanaya Turkey ayaa muujinaya xaalad amni oo walaac leh, kadib markii laba maalmood gudahood ay ka dhaceen laba weerar oo toogasho ah oo lagu qaaday iskuullo kala duwan. Dhacdooyinkan ayaa si weyn u naxdin geliyay bulshada, maadaama ay si toos ah u beegsadeen goobaha waxbarashada oo loo arko meelaha ugu amniga badan.

Weerarkii ugu dambeeyay ayaa ka dhacay magaalada Kahramanmaraş, halkaas oo arday Turki ah uu qaatay hub uu lahaa aabbihiis, kadibna uu weerar ku qaaday iskuul. Weerarkaasi ayaa sababay dhimashada 4 qof, oo uu ku jiro macallin, halka 20 kale ay ku dhaawacmeen. Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in weerarku uu ahaa mid lama filaan ah oo si degdeg ah u dhacay, taasoo keentay khasaare naf iyo maalba leh.

Dhacdadan ayaa timid wax yar kadib weerar kale oo shalay ka dhacay dugsi sare oo ku yaalla isla dalka Turkey, kaas oo sidoo kale uu fuliyay arday. Weerarkaas hore ayaa sababay dhaawaca 17 qof, inkastoo aan la soo sheegin wax dhimasho ah. Labadan dhacdo ayaa si cad u muujinaya in ay jirto dhibaato sii kordheysa oo la xiriirta rabshadaha gudaha iskuullada.

Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa la filayaa inay bilaabaan baaritaanno degdeg ah si loo ogaado sababaha ka dambeeya falalkan, gaar ahaan sida ardaydu u heleen hubka iyo waxa ku riixay inay fuliyaan weerarradan. Waxaa sidoo kale la filayaa in la adkeeyo ammaanka iskuullada iyo xeerarka la xiriira lahaanshaha hubka.

Dhacdooyinkan ayaa sidoo kale kicinaya dood ku saabsan caafimaadka maskaxda ee dhalinyarada, cadaadiska waxbarashada, iyo saameynta ay ku yeelan karaan arrimaha bulshada iyo qoyska. Khubarada ayaa aaminsan in xal waara uu u baahan yahay in la isku daro ammaanka, wacyigelinta, iyo taageerada nafsaaniga ah ee ardayda.

Ugu dambeyn, labaatan iyo afar saac gudahood laba weerar oo isku mid ah ka dhaca iskuullo waxay muujinayaan halis u baahan in si degdeg ah loo wajaho, si looga hortago in ay dhacaan masiibooyin kale oo la mid ah mustaqbalka.

https://heemaalnews.com/wp-content/uploads/2026/04/download1.mp4

April 15, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Israel Oo Safiir Cusub U Magacowday Somaliland.

by Heemaaln April 15, 2026
written by Heemaaln 0 minutes read

Israel ayaa Michael Lotem usoo magacowday safiirkeeda cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Sida uu ku warramay Telefishinka Telaabiib ee i24TV, Amb.Michael Lotem oo xilligan ah Dajiraha Israa|l Arrimaha Dhaqaalaha Afrika, wuxuu noqonayaa ‘Danjire aan degeneyn’ oo Israa|l u qaabilsan Somaliland.

Lotem waa diblumaasi ku xeeldheer siyaasadda & dhaqaalaha Afrika, soona noqday Danjiraha Israa|l ee Kenya, Uganda, Tansaaniya & Seychelle.

Magacaabista Danjiraha ayaa imanaysa, iyada oo lagu in MW Cirro ui socdaal dhawaan ku tago Israa|l, ka dib aqoonsigii.

Taariikhda waa markii ugu horreysay ee dal si rasmi ah safiir ugu soo magacaabo JSL.

April 15, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Iiraan oo War ka soo Saartay Wadahadallada Waftigii Pakistan ee Gaaray Tehran

by Heemaaln April 15, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Wakaaladda wararka ee Tasnim, oo xiriir dhow la leh ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC), ayaa sheegtay in Iiraan ay go’aan ka gaari doonto wareegga xiga ee wadahadallada ay la yeelanayso Maraykanka ka dib marka ay maanta kulan la qaadato wefdiga ka socda Bakistaan, iyadoo soo xiganaysa “ilo xog-ogaal ah”.

Waxay sheegeen in haddii Maraykanka iyo Israa’iil ay ku heshiiyaan xabbad-joojin lala galo dalka Lubnaan, ay taasi u noqon doonto “calaamad wanaagsan oo saameyn ku leh go’aanka Iiraan” ee ku aaddan wareegga xiga ee wadahadallada.

Si kastaba ha ahaatee, Tasnim ayaa sidoo kale sheegtay in Maraykanka looga baahan yahay in uu raaco “qaab macquul ah oo wadahadal ah”, isla markaana uusan “caqabad ku noqon habka wada-hadalka isagoo dalabaad xad-dhaaf ah keenaya” ama jebinaya ballanqaadyadii hore ee la xiriiray xabbad-joojinta.

Tasnim waxay sidoo kale xustay in warbaahinta Maraykanku ay sheegtay inay Washington diyaar u tahay inay bilowdo wareegga xiga ee wadahadallada, balse wefdiga Iiraan ayaa ku adkeeyay inay lagama maarmaan tahay in Maraykanku “ilaaliyo mabaadi’da gaarka ah ee looga baahan yahay bilaabista wadahadal macquul ah”.

April 15, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Trump:-Madaxwaynaha Shiinaha Waxan ka Codsaday inuusan Hub u Dirin Iran Wuuna Aqbalay.”

by Heemaaln April 15, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Trump oo la hadlay Fox News ayaa sheegay inuu warqad codsi ah u diray madaxwaynaha Shiinaha Xi. isagoo ka codsaday inayna hub u dirin Iran waxuuna yiri;

“Waxaan warqad u qoray madaxweynaha Shiinaha ,Xi. Waxaan ka codsaday inuusan hub siin Iiraan, Way ogolaadeen inaanay hub u dirin dalka ii-raan.

Trump ayaa sheegay inuu warqad jawaab ah ka helay madaxwaynaha Shiinaha, wuxuuna ii sheegay in uusan sidaas sameynayn.”

Madaxweyne Xi ayaa si weyn laabta ii gelin doona markaan halkaa tago toddobaaddo gudahood. waxayna aad ugu faraxsan yahiin inaan furo marinka Hormuz, iyaguna awgood ayaan u samaynayaa.

Si aad u wanaagsan oo maskaxi ku jirto ayaan u wada-shaqaynaynaa. Taasi miyaanay dag*aalka ka wanaagsanayn?

LAAKIIN XASUUSNOW, aad baanu ugu wanaagsannahay dirirta, haddii aanu dirirno— cid kasta oo kale waanu kaga wanaagsannahay!

April 15, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Maxkamada Nairobi Oo Xukun ku Riday Nin Shiinaha ah Oo Lagu Qabtay 2000 oo ah Qudhaanjada

by Heemaaln April 15, 2026
written by Heemaaln 0 minutes read

Maxkamad ku taalla magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa xukun ku riday nin u dhashay Shiinaha oo lagu qabtay isaga oo tahriibinaya 2000 oo ah Qudhaanjada dalkaas laga helo.

Ninkan ayaa sidoo kale lagu xukumay in uu bixiyo ganaax lacageed oo dhan 7700 oo Dollarka Maraykanka ah.

Kenya ayaa dagaal aad u adag ka gashay tahriibinta Qudhaanjada iyada oo muddooyinkii la soo dhaafay gacanta ku soo dhigtay dad ajaanib ah oo Qudhaanjo tahriibinayey.

April 15, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

“Dadka Is-gawracaya ayaan u Imid Maanta kadib-na Qof Qori sita Laguma Arki karo Xeebaha Awdal iyo Salal.” Madaxweyne ku-xigeenka

by Heemaaln April 15, 2026
written by Heemaaln 0 minutes read

April 15, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Mareykanka Oo 10,000 Askari oo dheeraad ah U Diray Bariga Dhexe

by Heemaaln April 15, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Mareykanka oo diraysa 10,000 askari oo dheeraad ah Bariga Dhexe inkastoo xabbad joojin lala galay Iran

Warbixinta waxay muujinaysaa in United States ay qorsheyneyso inay kordhiso joogitaankeeda militari ee Bariga Dhexe inkastoo xabbad joojin ay la gashay Iran.

In ka badan 10,000 askari oo dheeraad ah ayaa la filayaa in la geeyo gobolka ka hor dhammaadka bisha Abriil.
Qiyaastii 6,000 oo askari ayaa la socda markabka dagaalka ee USS George H.W. Bush iyo maraakiibta ilaaliya halka 4,200 oo kale ay ka tirsan yihiin Boxer Amphibious Ready Group iyo 11th Marine Expeditionary Unit.

Tani waxay kordhinaysaa awoodda militari ee Mareykanka ee gobolka iyadoo tirada guud ee ciidamada la sheegay inay gaareen ilaa 50,000 tan iyo markii dagaalku billowday 28ka Febraayo.

Sidoo kale joogitaanka markabka USS Abraham Lincoln iyo USS Gerald R.Ford ayaa ka dhigaya in saddex diyaaradood oo xambaara diyaarado dagaal ay joogaan Bariga Dhexe.

Dhanka kale United States Central Command ayaa sheegtay in ay si buuxda u hirgelisay xannibaad badeed (naval blockade) oo ay ku joojisay ganacsiga badda ee Iran.

Si kastaba ha ahaatee xogaha raadraaca maraakiibta ayaa muujinaya in qaar ka mid ah maraakiibta ay wali ka gudbeen marinka Strait of Hormuz.

Madaxweynaha Donald Trump ayaa sidoo kale sheegay in wadahadallo cusub oo lala yeesho Iran ay dhici karaan maalmaha soo socda gudaha Pakistan kadib markii kulankii hore ee Islamabad uu ku dhammaaday natiijo la’aan.

Guud ahaan tallaabooyinkan waxay muujinayaan laba jihood oo isku mar socda: cadaadis militari oo sii kordhaya iyo dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo xal siyaasadeed iyadoo weli ay jirto suurtagalnimada weerarro kale ama hawlgallo dhulka ah haddii wadahadalladu fashilmaan.

April 15, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Diyaarad milatariga Ee Ciidanka Turkiga Oo Qaaday Ciidanka Somaliya

by Heemaaln April 15, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Diyaarad milatari oo ah nooca A400M Atlas oo ay leeyihiin ciidanka Cirka Turkiga, ayaa maanta iyo shalay ka qaaday garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho ciidamo Soomaaliyeed oo loo qaaday Turkiga si ay u qaataan tababaro gaar ah oo la xiriira ciidamada gaarka ah (Special Forces).

Saraakiil ayaa xaqiijiyay in duulimaadyo kale ay jiri doonaan maalmaha soo socda, iyadoo ciidamo dheeraad ah loo qaadi doono tababaro sare.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa ku heshiiyay in inta badan ciidanka lagu tababaro gudaha dalka, gaar ahaan xerada TurkSom ee Muqdisho, halka ciidamo gaar ah oo ka tirsan cutubyada Gorgor loo qaado Turkiga si ay u helaan tababaro heer sare ah oo ku saabsan howlgallada gaarka ah iyo la dagaalanka argagixisada.

Taliyaha Ciidanka gaar ah ee Soomaaliya Gen Aadan Dheere ayaa garoonka ka sagootiyay si ay muujinayaan muuqaalo laga soo duubay.

April 15, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Iran Oo Sheegtay Inaan la Aqbali-karin Sharuudaha Washinton Iyo Maraykanka Oo Diiday Kordhinta Xabbad-joojinta

by Heemaaln April 15, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran, Esmaeil Baqaei, ayaa sheegay in Mareykanku si fiican u ogyahay in aan la aqbali karin soo jeedintiisa haddii lagu xiro shuruudo keli-talis ah.

Baqaei ayaa xusay in arrintaas ay si buuxda uga hor imaaneyso mabda’a wada-xaajoodka iyo wadahadalka, isagoo muujiyay mowqif adag oo Tehran ka taagan tahay shuruudaha Washington.

Sarkaal sare oo ka tirsan Mareykanka ayaa sheegay in Mareykanku uusan si rasmi ah u oggolaan kordhinta xabbad-joojinta uu la leeyahay Iran, sida ay baahisay wakaaladda Reuters.

Sarkaalka ayaa xusay in wali ay socdaan wada-xiriirro u dhexeeya labada dhinac si loo gaaro heshiis cusub.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, ayaa riixaya in dib loo bilaabo wadahadallada, xilli Donald Trump uu sheegay in kulamo cusub ay ka dhici karaan Pakistan maalmaha soo socda.

Arrintan ayaa muujineysa in rajada diblomaasiyadeed ay weli jirto, inkastoo aan wali la gaarin heshiis rasmi ah.

April 15, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
  • 1
  • …
  • 42
  • 43
  • 44
  • 45
  • 46
  • …
  • 94
  • Arteta oo quus taagan, hanjabaadla’aana maanta kaga baxay waraysigiisii

  • Qeybtii hore oo keliya: Harry Kane wuxuu dhigay laba rikoor kulankii PSG.

  • Markus Babbel oo ku fogaaday Salah “Wuxuu ahaa mid aad u liita sanadkan!”

  • Juventus oo u heelan helista Bernardo Silva oo ka huleelaaya Mancity

  • Liverpool, Chelsea, Tottenham, Newcastle, Aston Villa iyo Newcastle oo tartan ugu jira helista Trafford

  • Guuldarradii Arsenal ka soo gaartay Manchester City ayaa si sahlan uga qaadi karta hanashada horyaalka Premier League

  • Haaland oo aaminsan in ay ku guulaysanayaan horyaalka Premier League

Heemaal-News-Network-8

Wararkii u danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka. Warar la hubbo oo sal iyo raad leh, caafimaadka, cayaaraha iyo faallooyin suuban.

  • Userful Links
    • Privacy Policy
    • Terms of Use
    • Cookies
    • Data Information
    • Compliance
    • GDPR Policy
  • Categories
    • Cayaaraha
    • Caafimaadka
    • Soomaaliya
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Ganacsiga
    • Siyaasada
    • Rayiga
    • Sayninska

Latest Articles

Weerarkii Ninka Somaliga ah ku Qaaday Yahuuda London Ma ahayn Fal Argagixiso.
May 2, 2026
Somaliya Oo Celisay Diyaarad Gaar ah Oo Sidday Xubin ka tirsan Aqalka Odayaasha Dalka UK Oo ku Socday Hargeysa
May 2, 2026
Rabshado iyo Boob ka Dhan ah Ajnabiga oo ka Socda Koonfur Afrika
May 2, 2026

@2026 – All Right Reserved. Designed and Developed by Heemaal News Network

Facebook Twitter Instagram Youtube Email
Heemaal News Network
  • Home